WAJAALE NEWS

DAAWO;-Mashaariic Tiro Badan Oo Dawlada Hoose Ee Gabiley Ka Hirgalisay Dhakhtarka Magaalada Gabiley Oo Xadhiga Laga Jaray

GABILEY(W,N)-Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka, badhasaabka gobolka gabiley iyo maayarka magaalada gabiley ayaa siwada jir ah xadhiga ugu jarau mashaariic tiro badan oo dawlada hoose ee gabiley ka hirgalisay cisbitaalka magaalada gabiley oo ay ku kordhisay dhismayaal cusub.

Ugu horayna waxaa mashaariic ay dawlada hoose ka hirgalisay dhakhtarka gabiley ka warbixisay agaasimaha cisbitaalka Dr Niciiima Yuusuf Cilmi iyadoo maamulka dawlada hoose ee gabiley uga mahad celisay sida ay ugu hagar baxday cisbitaalka gabiley.

Sidoo kale waxaa xadhig ka jarka maariicdan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada cafimaadka, badhasaabka gobolka gabiley.

Dhanka kale maayarka magaalada gabiley Maxamed amiin cumar cabdi ayaa ka warbixiyay tirade mashaariicda ay dawlada hoose ka hirgalisay cisbitaalka gabiley isagoo sheegay in ay uqorshaysan yihiin kuwo kale oo lagu sii horumarinayo adeegyada cisbitaalka gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version