ADIS ABABA(W,N)-Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay golahiisa wasiirrada oo 22-ka ka kooban isagoo horgeeyay isla baarlamaanka dalkaasi, baarlamaankana oo iyagu ansixiyey xukuumada cusub ee uu sooo dhisay raysalwasaare abiye ahmed .
Wasiirada uu soo magacaabay raysalwasaarha itoobiya iyo qowmiyadaha iyo deegaannada ay ka soo kala jeedaan wasiirradaasi halkan kaga bogo.
1.Dhamaqe Makonnin:- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda (Amxaar)
2.Axmed Shide:- Wasiirka Maaliyada (Soomaali)
3.Balate Moolla:- Wasiirka Curinta Iyo Teknoolojiyada (Amxaar)
4.Binnaalfi Andualem:- Wasiirka Nabadda (Axmaar)
5.Chaaltuu Saani:- Wasiirka Magaalooyinka Iyo Horumarinta Aasaasiga (Oromo)
6.Cumar Xuseen:- Wasiirka Beeraha (Oromo)
7.Daagmaawiit Mogas: Wasiirka Gaadiidka Iyo Saadka (Axmaar)
8.Dr Abraham Baley:- Wasiirka Gaashaandhiga (Tigree)
9.Dr Birhaanu Negga:- Wasiirka Waxbarashada (Guraag/Uraaga)
10.Dr Ergoge Tasfaye:- Wasiirka Arimaha Haweenka Iyo Bulshada (Hadiya)
11.Dr Fitsum Asafa:- Wasiirka Qorshaynta Iyo Horumarinta (Sidaama)
12.Dr Gedhiyon Dimatiyos:- Wasiirka Cadaalada (Sidaama)
13.Dr Liya Taadhase:- Wasiirka Caafimaadka (Tigree)
14.Enjineer Ca’sha Maxamed:- Wasiirka Waraabka Iyo Xoola dhaqatada (Cafar)
15.Enjineer Habtaamu Atifa:- Wasiirka Biyaha Iyo Tamarta (Oromo)
16.Gabra-masqal Chala:- Wasiirka Ganacsiga Iyo Isku Xidhka Manadaqadda (Walayta)
17.Laaqe Ayaalew:- Wasiirka Dakhliga (Axmaar)
18.Malaaku Allebal:- Wasiirka Warshadaha (Axmaar)
19.Mufarriyaat Kaamil:- Wasiirka Shaqada Iyo Xirfadaha (Silte)
20.Nasise Chali:- Wasiirka Dalxiiska (Oromo)
21.Qajeela Margaasa:- Wasiirka Dhaqanka Iyo Ciyaaraha (Oromo)
22.Takele Umma: Wasiirka Macdanta (Oromo)
Wasiirada uu raysalwasaare Abiye magacaabay tirade marka Deegaan ahaan loo soo koobo:
1.Deegaanka Axmaarada…6 wasiir uu ra’isl wasaare ku xigeen ku jiro
2.Deegaanka Oromada…6 wasiir
3.Deegaanka Shucuubta Koonfureed…4 wasiir
4.Deegaanka Tigraay…2 Wasiir
5.Deegaanka Sidaama…2 Wasiir
6.Deegaanka Soomlida…1 Wasiir
7.Deegaanka Canfarta…1 Wasiir