WAJAALE NEWS

Raysal-wasaare Abiy Ahmed Oo Hogaamiye Cusub U Magacaabay Gobolka Tigrey, Soona Saaray Waaran lagu Soo Qabanayo Madaxda TPLF.

ADIS ABABA(W,N)- Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Ayaa Dr. Mulu Nega u magacaabay madaxa fullinta ee gobolka Tigray.

Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed oo barta  bartiisa Twitter-ka ku Baahiyay qoraalkan ayaa sheegay  in tallaabada magacaabiista ay ka dambeysay kaddib go’aan ay wada gaadheen xildhibaanada Aqalka Sare iyo golaha wasiirada oo ku saabsanaa maamulka Tigray.

Isagoo ka hadlaya Wuxu Yidhi “Ninkan waxay shaqadiisa noqon doontaa in uu soo magacaabo saraakiil ka tirsan axsaabta siyaasadeed ee Tigray si ay uga mid noqdaan maamulka cusub ee gobolka.

Nulu Nega wuxuu ahaa wasiirka seyniska iyo waxbarashada sare tan iyo Bishii April.

Wuxuu horraan bare ka ahaa jaamacadda Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolkan oo uu ku eedeeyay in uu wado dhaqdhaqaaqyo ka baxsan sharciga dalkaas.

Ciidamada federaalka waxay haatan howlgallo ka fulinayaan deegaanno ka tirsan gobolka.

Geesta Kale Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay  Waaran lagu soo Qabayo  saraakiisha ugu sarreysa gobolka Tigray xilli ciidamada federaalka ay howlgal militeri ka wadaan gobolkaas.

Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in lasoo xidho siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliyo gobolka Tigray.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu maamule ku meel gaadh ah usoo magaacabay gobolka.

Waxaa weli Tigray ka socdaa dagaallo xooggan, waxaana laga cabsi qabaa In tallaabada raysal wasaare Abiye ku magacaabay masuulkan cusub  ay xaaladda uga sii darto. Iyadoo aanay dawlada fadaraalku gacanka ku haynin gobolka tigreey.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version