WAJAALE NEWS

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Dhagax Dhigay Ceelkii Biyaha Xumbo Wayne

Hargaysa(Wajaalenews)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland,Xubno ka Mid Ah golahiisa wasiirada,Salaadiin Iyo Marti sharaf Badan oo Ka Soo qayb Galay Dhagax Dhiga Mashruucan Biyaha Xunbo wayne oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan loo sameeyay ayaa waxa Ka soo qayb Galay wafti Balaadhan oo ka Yimid Dalka isutaga Cimaaraadka Carabta oo Mashruucani Bixiyay,waxaana ay Soo jeediyeen in Sida ugu dhakhsaha Badan loo dhameeyo.

xaflada dhagaxdhigawaxaana uu Madaxwayne ku xigeenku dhagax Dhigay Haanti biyaha Kaydin Jirtay oo Lag yagleeyay Duleedka Bari ee Magaalada Hargaysa.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule ayaa sheegay in Mashruucani yahay Mid Loogu Talo galay In qaybaha Ooman Ee Magaalada Hargaysa Laga Haqab Tiro Biyaha waxaana uu yidhi. “Mashruucan oo baahi wayn loo qabo waxaan u malaynayaa inuu Maanta Soo Goostay ooda oo Biyihii Qaybtii ugu Horaysay Aanu Helnay,Waxaana leeyahay Xukuumada Ahaan iyo Shacab Ahanba in aynu Gacmaha isku qabsano Sidii Looga wada Hawl Gali Lahaa in aynu Biyahaas Helno,Mashruucaasna uga Faa’idaysan Lahayn Biyahaas Maanta inoo Bilaabmayna uga Faa’idsan Lahayn.

Eng Cabdiraxmaan Suldaan Cali Ducaale (Juudi) Oo Ah Injineerkii waday Mashruucan Biyah Xunbo wayne Ayaa Ka waramay Halka uu Marayo Biyihii Xunbo wayne.

“Dadka Ku Nool Magaalada Hargaysa 40% Magadhaan Dadka Biyo ka Hela Beebka,magaaladina Aad Ayay u kortay Biyaha ay Hargaysi u baahan tahay Aad ayay u badan yihiin,Mashruucanina Waxa uu ka Mid yahay Deeq Wadanka Imaraadka Carabtu ugu deeqay Dadka Somaliland,Mashruucanina waxa ka qayb Ka Ah Hargaysa,burco,Gabiilay Qorshahana Waxa ku Jirtay Magaalada Berbera.

Eng Cabdiraxmaan Suldaan Cali Ducaale (Juudi) oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in Mashruucan Xunbo wayne Ceelashiisi Dhamadeen waxaana uu yidhi. “Ceelashii Xunbo wayne Waxa ay Dhamadeen Mudo Ka hor,waxaana ka Horeeyay Sahan Magaalada oo Dhan Laga Sameeyay Hareera heeda oo dhan Lasameeyay Halkii Aanu Biyo Ka helnay waxa ay Noqotay oo kaliya Xunbo-wayne Biyaha ku jiraana Aad ayay u badan yihiin,waxaanan ku rajo wayne in Biyahaas Lagaadh Siin Doono Magaalada Hargaysa oo dhan.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi yoonis oo Ah Guddoomiyaha Gudida Biyaha ayaa isguna U mahad Naqay Mashruucan Biyaha Lagu Gaadhsiinayo Qaybta Ooman,Waxaana uu iftiimiyay Qaabka Ay u Socdaan ilaa imika Mashruucii Xunbo wayne.

“Hortu Sidaad la Socotaan Biyuhu waa Nolosha Hadaanay Biyo Jirina Nololi Suuro Gal Maaha,Maanta Sidaad ay shegeen Wasaarada Biyahu Baahi Aad u wayn Ayaa loo qaba Biyaha,Muhiimada Meesha Talaa waxa weeyaan in Biyah Lasoo Dadajiyo,Baahi Wayna Waanu u qabnaa,Waxaanan ka Codsanaynaa Haay’ada in Biyaahaasi Hargaysa Soo gadhaan,Waxaana Loo baahan yahay in Gacanta la is qabsado Sidii Mashruucaas Sidii Loogu Talo Galay looga Faa’idaysan Lahaa.

Cali Maxamed Waran Cade wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in Maalin Dhaw Deegaanada Aan helin Biyaha Mashruucani ku beegan yahay,isla markaas Ka haqab Beeli Doonaan waxaana uu yidhi. “Waxaan Doonayaa in Bulshada Reer Hargaysi Meel Uga Soo wada jeestaa Sidii Ay biyaha u heli Lahayeen,waxa ay Wax badan ka Tari Doontaa Mashruucan Xunbo wayne Inuu qof waliba Labada Gacmood ku maydho,Hadii uu Awal ku maydhan Jiray Gacan Kaliya,Dawlada Cimaaraadk Carabtana waanu u mahad Naqaynaa Waan Tamarkasta Ka fulisa Mashruucyo Loo baahan yahay dalka,Caasimadaha Caalamku way Cagaaran yihiin,Marka aynu Biyaha helno Caasimada iyadana Dhar ayaynu u galin Doonaan.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Biyo La’aanta Hargaysa ka Jirta oo Sahayatay ka wasiir Ahaan,waxaana uu cadeeyay inuu Shubto Biyaha Ay booyaduhu Sidaan. “Hortu Shayga Ka Kaliya ee ka Horeeya biyahu waa Nabad,Qof kasta oo Muwaadin Ahi Xaq ayuu u leeyahay inuu Biyo Helo,waa waajib Saaran Dawlad,Sidaad la socotaana Awooda Dawlada Mawayna Sidaad la Socotaan Dadaal Badan ayay ugu jirtaa Sidii Ay dalka Biyo u gaadhsiin Lahayd,Hadana Dhaqaalaha wadanku waa xadidan yahay,Anigu waxaan Daganay Meel Galbeedka Hargaysa Ah Todobaad walba Booyad Ayaan shubtaa Lakiin Anigu waan Kari Karaa Lakiin Dadku isku Mid Maaha.

intaas waxa ku daray wasiirka wasaarada Qorshaynta qaranku.”dad ayaa Baahida ugu wayni yahay sidii ay biyo u heli Lahayeen oo Maalintii ka fikira Shirkaan Biyo waxa ay siisan Lahayeen,waxaanan ku rajo wayne inaan Keeno Biyo ku filan hargaysa oo qofkasta ka Haqab Beeli Karo.

Masuulka Hogaaminayay waftiga ka Socday Dalka Cimaraadka Carabta Sheekh Falaax Al xabaabi ayaa sheegay in Mashruucan ay ugu talo galeen Dadka Somalida ah ee ku dhaqan dalka somaliland Kaga Bixi Lahayeen Biyo La’aanta Haysata,Kaas oo carabaabeen in Mashruucani dhamaan Doono Sida ugu dhakhsaha Badan.

Gaba-Gabadii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylic oo Madasha ka hadlay ayaa dhagax dhigay Dhismaha Mashruucan biyaha Xunbo wayne waxaana uu sheegay in Biyaha Sida ugu haboon Loo Maamuli Doono,isaga oo meesha ka saaray inaan Lagu duwan Halkii Loogu Talo Galay Biyaha,Hadalada Dadka qaar sheegayaana waxa uu ku macneeyay qaar Aan wax ka Soo qaad Lahayn.

Exit mobile version