WAJAALE NEWS

Kulanka Caawa ee dhexmari doona Holland Vs Horyaalka adduunka Spain dareenada kala duwan ee Ku Xeeran

CIYAARO(Wajaalenews)Xulalka labada qaran ee Holland iyo Spain oo caawa wada yeelan doona kulankoodii u horreeyey ee ciyaaraha tartanka kama dambaysta koobka adduunka ee sannadka 2014 ay martigelisay dalka Brazil, taasoo ay ku wada jiraan unugta B ee isku-aadka tartanka.Holland iyo Spain

Labadan dal oo ay isugu dambaysay muddo afar sannadood ah kahor, kadib markay isugu yimaadeen ciyaartii kama dambaysta ee koobkii adduunka sannadkii 2010-kii lagu qabtay dalka Koonfur Afrika, taasoo xulka Spain ay markii u horreysay ku guulaysteen koobka adduunka.

Haddaba. Xulka Holland ayaa iyagu si weyn muhiimadda u saaraya siday uga faa’iidaysan lahaayeen fursada hortooda taal iyo iyaga oo ku rajo weyn in kulanka caawa uu noqon doono mid ay kaga aar gudan doonaan ciyaartoyda Spain, kadib guuldarradii ka haleeshay ciyaartii u dambaysay ee koobka adduunka muddo afar sanno ah kahor.

Dhinaca kale, xulka Spain oo iyagu ay u safanayaan isla ciyaartoydii ka qaybgalay guushana u soo hooyey koobkii adduunka ee sannadkii 2010, ayaa waxa la rumaysan yahay in aanay sannadkan haysan weeraryahano fiican oo uga safta afka hore, balse ay haystaan ciyaartoy aad u wanaagsan oo si fiican isugu duba-rida khadka dhexe ee ciyaarta, halka dalka Holland ay iyagu sannadkan soo xuleen ciyaartoy hore iyo kuwo cusub, taasoo la filayo in weeraryahanka kooxda Bayern Munich Arjen Robben uu waayo-aragnimo hor leh ku haggi doono ciyaartoyda kooxdiisa.

Kulanka caawa, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay ciyaartii ugu weynayd ee laba kooxood oo awoodooda ciyaareed aad u sarreyso ay ku kulmaan heerka koowaad ee isku-aadka ciyaaraha koobka adduunka sannadka 2014, inkastoo xulka Spain ay hadda haystaan koobka horyaalka adduunka, balse waxa laga dhur-sugi doonaa dalka Holland oo iyagu caawa diyaar u ah siday uga aargoosan lahaayeen dhigooda Spain oo kaga guulaystay hamigii ay u qabeen inay koobka dahabka ah gacanta ku dhigaan.

 

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

KALA SOCO CIYAARAHA XIISAHA BADAN EE CAALAMKA

Exit mobile version