|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaare Abiye Oo Magacaabay Golaha Wasiirrada Xukuumadiisa Cusub Iyo Qomiyadaha Ay Ka soo Kala Jeedaan!
October 6, 2021 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay golahiisa wasiirrada oo 22-ka ka kooban isagoo horgeeyay isla baarlamaanka dalkaasi, baarlamaankana oo iyagu ansixiyey xukuumada cusub ee uu sooo dhisay raysalwasaare abiye ahmed . Wasiirada uu soo magacaabay raysalwasaarha itoobiya iyo qowmiyadaha iyo deegaannada ay ka soo kala jeedaan wasiirradaasi halkan kaga bogo. 1.Dhamaqe Makonnin:- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda (Amxaar) 2.Axmed Shide:- Wasiirka Maaliyada (Soomaali) 3.Balate Moolla:- Wasiirka Curinta Iyo Teknoolojiyada (Amxaar) 4.Binnaalfi Andualem:- Wasiirka Nabadda (Axmaar) 5.Chaaltuu Saani:- Wasiirka Magaalooyinka Iyo Horumarinta Aasaasiga (Oromo) 6.Cumar Xuseen:- Wasiirka Beeraha (Oromo) 7.Daagmaawiit Mogas: Wasiirka Gaadiidka Iyo Saadka (Axmaar) 8.Dr Abraham Baley:- Wasiirka Gaashaandhiga (Tigree) 9.Dr Birhaanu Negga:- Wasiirka Waxbarashada (Guraag/Uraaga) 10.Dr Ergoge Tasfaye:- Wasiirka Arimaha Haweenka Iyo Bulshada (Hadiya) 11.Dr Fitsum Asafa:- Wasiirka Qorshaynta Iyo Horumarinta (Sidaama) 12.Dr Gedhiyon Dimatiyos:- Wasiirka Cadaalada (Sidaama) 13.Dr Liya Taadhase:- Wasiirka Caafimaadka (Tigree) 14.Enjineer Ca’sha Maxamed:- Wasiirka Waraabka Iyo Xoola dhaqatada (Cafar) 15.Enjineer Habtaamu Atifa:- Wasiirka Biyaha Iyo Tamarta (Oromo) 16.Gabra-masqal Chala:- Wasiirka Ganacsiga Iyo Isku Xidhka Manadaqadda (Walayta) 17.Laaqe Ayaalew:- Wasiirka Dakhliga (Axmaar) 18.Malaaku Allebal:- Wasiirka Warshadaha (Axmaar) 19.Mufarriyaat Kaamil:- Wasiirka Shaqada Iyo Xirfadaha (Silte) 20.Nasise Chali:- Wasiirka Dalxiiska (Oromo) 21.Qajeela Margaasa:- Wasiirka Dhaqanka Iyo Ciyaaraha (Oromo) 22.Takele Umma: Wasiirka Macdanta (Oromo) Wasiirada uu raysalwasaare Abiye magacaabay tirade marka Deegaan ahaan loo soo koobo: 1.Deegaanka Axmaarada…6 wasiir uu ra’isl wasaare ku xigeen ku jiro 2.Deegaanka Oromada…6 wasiir 3.Deegaanka Shucuubta Koonfureed…4 wasiir 4.Deegaanka Tigraay…2 Wasiir 5.Deegaanka Sidaama…2 Wasiir 6.Deegaanka Soomlida…1 Wasiir 7.Deegaanka Canfarta…1 Wasiir
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|