WAJAALE NEWS

DAAWO;-Shirkada Sagal Jet Oo Abaalmarin Doonsiisay Shaqaalaheeda Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay Madasha.

HARGAYSA(W,N)- Shirkada Daabacada Casriga ee Sagal Jet oo Sanad Walba munaasibad Balaadhan Usamaysa Shaqaalaha ka Hawlgala Ayaa Xaflad Caawa lagu Qabatay magaalada Hargaysa ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socday xukuumada iyo rugta ganacsiga somaliland iyo marti sharaf kale taasi  Abaalmarino lagu  Gudoonsiisay  22qof oo kamid ah shaqaalaha shirkada kuwaasi oo lagu sifeeyay in ay ahaayeen shaqsiyaadkii ugu hawl Karsanaa sanadkii 2019.

Maamulaha Guud Ee shirkada Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar oo ka hadlay munaasibadan  Ayaa Ugu horay umahad naqay shaqaalaha waynaha shirkada sagal jet ee iskaga kala yimid gobolada dalka iyo dalka jabuuti isagoo xusay in munaasibada abaalmarinta shaqaaluhu tahay sanad 13aad isagoo ka waramay sida ay shirkadu gobolada dalka oo dhan uwada gaadhay iyo door ay shirkadu ku leedahay horumarinta dalka iyo daabacada casriga ee ay bulshada u keentay dalka taasi oo lagaga maarmay adeegyo loo doonan jiray dalka dibadiisa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version