HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha warfaafinta Ee xisbiga Ucid Yuusuf Kayse ayaa ka hadlay warar kazoo baxay magaalada burco iyo kalfadhigii golaha deegaanka burco ee loo balansanaa maalinta bari ah in uu dhaco oo la sheegay in xukuumadu dib udhigayso isagoo ku baaqay in xukuumada ka dayso faro galinta iyo tashuushka ay ku furayso.
Xoghaye yuusuf kayse ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebkooga wuxuna udhignaa sidan;
“Burco Way tashatay Ee Xukuumaddu Ha Ka Dayso Tashuushka”
Waxaanu Leenahay Badhasaabka Xiligii loo Cayimay Fadhiga Golaha Deegaanka Burco ha loo daayo hadii aanay Jirin Sabab macquul ah oo Sharcigu ogol yahay
Hadii kale Waxaanu u arkaynaa in duulaan lagu yahay Midnimada Burco oo Xukuumaddu Ka Wado Waxeedii Xilka lahaa isla markaana Tashuush iyo Shaki la doonayo in lagu qaso wada-jirka iyo wax-wada lahaanshaha Burco
Sidaa daraadeed Waa in Xukuumadu Faraha kala Baxdaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka Ee Tashaday
Fadhigoodana Lagu qabtaa Xarunta Dawlada Hoose ee Burco Sida Sharcigu Dhigayo