WAJAALE NEWS

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Oo Canbaareeyey Xubin Ka Tirsan Golaha Dhexe Ee Xisbiga Ucid Oo Lagu Xidhay Maqaal Uu Ku Cabiray Fikirkiisa

Hargeysa(Wajaale News):-xoghayaha warfaafinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Yuusuf Kayse ayaa si weyn u canbaareeyey xadhig loo gaystay  xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Uc id.

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid oo la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu sheegay in xadhiga loo gaystay xubintaas ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid  ay timid ka dib markii uu qoray maqaal uu ku cabirayo fikirkiisa oo uu ku sheegay inaanay xukuumadu
wax taageero ah ka haysan beesha uu ka soo jeedo wasiirka warfaafinta Somaliland.
Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse oo ugu horayntiiba ka hadlaya xadhiga loo gaystay  xubinta ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid ayaa waxa uu yidhi ?Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan xilka a an ka hayo xisbiga Ucid waxaanu aad iyo aad u canbaaraynaynaa xadhiga xaq darada ah  isla markaana cabudhinta ah ee shalay lagu xidhay  Ismaaciil Maxamed Ciise  kaas oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid, xadhigaas oo aanu u aragno xisbig ahaan cabudhin, cadaala darro, keligii talisnimo lagu wiiqayo xoriyatul qawlka dalka jamhuuriyada Somaliland taas oo ka mid ah dibin daabyada lagu hayo shacbiga Somaliland.? Ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu faah faahin ka bixiyey sababta keentay xadhiga xubintan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid waxaanu yidhi ?xadhiga xubintan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid waxa keenay ka dib markii uu qoray maqaal uu fikirkiisa ku cabirayo kaas oo uu kaga hadlayey inaan la xidhi karin gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure iyo gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali Waraabe  isla markaana aanay xukuumadu taageero ka haysan beesha uu ka soo jeedo wasiirka warfaafinta Somaliland? ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid.

Sidoo kale xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu ku xidhan yahay Ismaacil Maxamed Ciise ay ku booqdeen isla markaana waxa uu sheegay in hogaanka ciidanka ee saldhiga dhexe u sheegay in amar lagu siiyey  inay soo xidhaan xubintan isla markaana ay sii deyn karaan oo kaliya cida soo xidhay.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version