WAJAALE NEWS

“Falka Wiilka Dhalinyarta Ah Ee Reer Boorama Dhaawacyada Loogu Gaystay, Waa Dhacdo Ugub Iyo Fool Xumo Qaranka Somaliland Ku Ah” Xisbiga Ucid.

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka Ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo qoraal ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadan wiilka dhalinyarada ah ee reer boorama loogu gaystay dhaawacyada foosha xun.

Sidoo kale xoghaye Yuusuf kayse ayaa sheegay in aan laga aamusi Karin falka noocan ee in uu ka danbeeyo lagu eedaynayo wasiir xukuumada madaxwayne bixi ka tirsan oo aan isagu ilaa hada ka hadal,

Qoraalka uu Xoghayaha warfaafinta ee  xisbiga Ucid uu kaga hadlay falka foosha xun ee dhaawacyada loogu gaystay wiilka dhalinyarada ee reer borama ayaa Udhignaa Sidan;

“Walaahi aad ayaan uga naxay markaan Daawaday dhacdadan foosha Xun iyo Dhaawacyada Maalintii Dhawayd ee Muuqaalka Uu Iska soo Duubay loo gaystay Wiilka Dhalinyarta ahaa ee reer Boorama’ waliba waxa Fajaciso igu sii noqotay markii uu Dhibanuhu Dhaawacyada loo gaystay ku xidhiidhiyey Wasiir golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo reer Boorame ka soo jeeda’ waar meeshan Shacabka Car juuq dheh Ama shaqadii ummadda ay uga masuulka ahaayeen wixii ka Qaldan kama hadli kartid dad muwaadin ah dhaawacyo loogu gaysanaayo miyaanay Somaliland ahayn waar wax laga aamusi karo ama layska daawado oo afka aynu ka xidhano miyey tahay ?

Ninka wasiirka ah Falkani in uu ka dambeeyey oo Raga dhaawacyada Inankani u gaystay ay isaga ka shidaal qaadanayeen la sheegay waa maxay sababta uu arintani juuq uga odhan waayey soow Tuhunka dhacdadani ka timid Aamusnaantiisu ma sii xoojinayso waa ayaan daro in ilaa Heerkaas Tacadiyadda Somaliland ka jira ina la marayaan maanta hadii aanay Xukuumaddu joojin falalkani Beritona soow tu ka darani iman-mayso ?

Waxa arinta Wiilkan dhalinyarta ah ee dhaawacyada loo gaystay nasiib daro kale ku sii ah cidii Waxyeelada gaysatay ee Inanka dhaawaca ahi hore inoogu sheegay inay eedaysanaha walaaladii iyagii leeyihiin

Inankayagii dhibta gaystay ma hayno oo gacantaba nooguma jiro isla markaana ciidamadii nabad-galyaduna wali ma hayaan waa arin inagu cusub

Waxaa iyana wax aad loola yaabo ah oo inagu Cusub in Wasiir ka tirsan Xukuumadda loo tuhmo fal noocan oo kale ah

Kamaan nixin nabarka ku dhacay muwaadinkan balse waxaan ka naxay in loo Tuhmo nin Wasiir ka ah Xukuumaddeena.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Ayaa Sidaa Yidhi.

Exit mobile version