WAJAALE NEWS

Wargays Kasoo Baxa Dalka Maraykana Oo Si Qotodheer Wax Uga Qoray Safarka Uu Ku Jooga Madaxwaynaha Jsl!

WASHINGTON(W,N)-Wargeyska ka soo baxa Mareykanka ee la yidhaa ( Associated Press ) oo wax ka qoray socdaalka Madaxweyne Muse Biixi ee dalka dalka Mareykanka, ayaa Salaasadii ku daabcay bog ka mida bogaggiisa, isagoo soo xiganaya qeybo ka mida khudbaddiisii oo uu ku sheegay Madaxweynuhu, inay guuldarreysateen wada hadlladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaaliya.

Waxa kale oo uu Wargeysku xusay oo soo qaatay Weedho ka mid ahaa khudbaddii Madaxweyne Muse Biixi ee uu ku sheegay, in wada xaajoodkii Somaliland iyo Somaaliya usoo socday Tobanka Sanno uu ka guuldarreystay dhinaca Somaaliya oo muujiyey in aanay wax dan ah ka lahayn wada hadalladaas, taas oo uu Madaxweynuhu sheegay inay ku khasbayso Somaliland in beesha Caalamka ay kala hadasho aqoonsigeeda.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay Wargeysku hadalladii uu ka jeediyey munaasabaddaa Mr, Kevin Roberts oo ka dhacday Xarunta ( Heritage Foundation ) ee Washington, inuu aaminsan yahay in Somaliland iyo Mareykanku wada yeeshaan xidhiidh adag oo dhow, maadaama ay ku taal Somliland Gobol ay ka jirto xasilooni darro iyo ammaan xumo xagga argagixisada, iyadoo uu Mr, Kevin sheegay in taa beddelkeedana ay Somaliland tahay goob deggan oo ku taal Geeska Afrika oo Mareykanku wax la qabsan karo uu wax ay wada qabsan karaan.

Mr, Kevin Roberts waxa uu intaa ku daray in Somaliland tahay dal ku taagan cagihiisa oo ku dhaqma hannaanka Dimoqraadiyadda, soo qabsanayey doorashooyinkooda muddo Sannadood ah, balse aanay dunida inteeda badani ka war-hayn, sidaa awgeed waxa uu Madaxweynaha Somaliland oo la doortay 2017kii uu u marayaa aqoonsiga Somaliand dariiq kasta oo suurtagal ah, ayuu yidhi Mr, Kevin Roberts.

 

Exit mobile version