Hay’addda Qaramada Midoobay iyo kuwa kale oo Caalami ah,waxa qaabka ay uga hawlgalaan dalalka ay dhibaatooyinka kala duwan ka jiraan,laga qoray buugaag si qoto dheer usoo bandhigaya,kana warbixinaya sida ay mas’uuliyiinta sare ee Hay’adahaasi,gaar ahaaana kuwa Qaramada Midoobay ugu takri-falaan dhaqaalaha loogu soo dhiibay dadka ku nool dalalka ay ka dhaceen/socdaan dagaalladu ama ay ku habsadeen masiibooyinka dabiiciga ah.
Waxyaabaha naxdinta leh ee lagu soo bandhigay buuggaagtaasi, waxa ay iskaga mid yihiin oo ay soo bandhigeen sida, ay u kharash gareeyaan dhaqaalaha kooban ee gacantooda soo gala ee loogu talo inay gaadhsiiyaan dadka baahan,balse waxayna si cad ugu muujiyeen qoraalladooda, in lacagahaasi ay intooda badani ku baxaan hawlwadeennada sare ee Hay’adaha Qaramada Midoobay safarradooda, Hudheellada ay seexdaan oo ah kuwa ugu qaalisan, Amnigooda iyo shaqaalaha ka shaqeeya guryahooda ama Xarumaha ay deggan yihiin.
Xarumahaas waxa tusaale innoogu filan Xarunta Xalane ee ku taal Muqdisho oo uu Maamule ka yahay Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya,taas oo ah Xarun ka madaxbannaan Maamulka Somaaliya,waxana intaa usii dheer in aanay Xarunta Xalane tahay mogglaansho la’aan iska gelin Karin Wasiirrada,Xildhibaannada labada Gole oo uu kow ka yahay,xataa Farmaajo oo sheegta Madaxweynaha Somaaliya.
Halkaa waxa si caddaan ah uga muuqanaya dhaqaalaha ku baxa Xarunta Xalane ee Muqdisho oo qiyaas ahaan la sheegay, inay ku baxxdo Miisaaniyad ka badan ta Somaaliya ku baxda,waayo waa Xarun leh waxa ay dawladi leedahay oo dhan iyo weliba dheeraad,maadaama ay xaruntaasi tahay goobta laga maamulo Somaaliya ee wax kasta oo ay isku qabtaan Madaxda Somaaliya, ay Xaruntaas tahay halka ay kasoo baxdo talada ugu dembeysa,waxana caddeynaya in sidaa ay tahay.markay Maamul-goboleedyada iyo Farmaajo ku kala tageen, sidii uu Taliska Qaramada Midoobay Xalane fadhiyaa farta ugu yeedhay Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada,iyada oo aan laga talo gelin Farmaajo-ha Muqdisho.
Marka aan usoo noqono khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya Ergayga Somaaliya oo ay isku fahmi waayeen Xukuumadihii u kala dembeeyey talada dalka,uguna dembeeyey kan ay hadda Xukuumaddu uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ku laashay dhammaan hawlihii ay ka qaban lahaayeen dalka shanta sanno ee soo socda,waxa uu daaha ka rogayaa qaabka ay Hay’adda Qaramada Midoobay uga leexatay mabaad’idii loo aasaasay,una noqotay mid siyaasadeed oo haddana weliba aan dhexdhexaad ka ahayn siyaasadda cusub ee ay qaadatay.
Maaha markii ugu horreysay ee ay Jamhuuriyadda Somaliland joojiso la shaqeynta Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaaliya,,balse waxa jiray tiro illaa Afar jeer ka badan oo ay Xukuumadihii Jamhuuriyadda Somaliland ee ka horreeyey Xukuumadda hadda talada haysa,ay ka qaadeen tallaabooyin Ergayga gaarka ee Somaaliya iyo laamaha Hay’adda Qaramada,iyadoo tiro ka badan Afar jeer laga eryey Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa ugu horreeyey Xukuumaddii Marxuum Maxamad Ibraahin Cigaal oo dalka ka saartay UNISOM,kadib markay isku dayeen inay Ciidammadii amniga oo ay bishii waxoogaa gunno siin jreen 1993kii,ay soo farageliyeen amniga gudaha ee dalka,waxa ku xigay oo isla Xukuumaddii marxuum Cigaal dalka ka saaratay Ergaygii la odhan Illing,isla markaana ku xijisay kii lagu beddelay,sidoo kalana Xukuumaddii Madaxweyne Axmad Siilaanyo,ayaa Iyana ka eriday dalka Ergaygii la odhan jira Mahiigga,Xukuumadda hadda ee uu hoggaanka u hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxa ay joojiyeen in shanta sanno ee soo socota aanay wax hawlo ah ka qaban Karin JSL,maadaama ay qorshihii shantaa sanno ka soo saxeexdeen Somaaliya,iyagoo aan ka talo gelin Xukuumadda JSL.
Go’aanka ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisu ka qaateen Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalilnad iyo Somaaliya ee ay ku baajiyeen booqashadii uu ku iman lahaa Somaliland Khamiistii aan ka soo gudubnay,isla markaana ku joojiyeen wixii hawlo ahaa ee ay ka qaban lahaayeen dalka shanta sanno ee soo fool leh,ayaa shacbiga Somaliland ee gudo iyo dibedba ku taageersan yihiin tallaabada geesinimada leh ee ay ka qaadeen Ergayga Somaaliya iyo Laamaha Qaramada Midoobay,iyagoo weliba ku dhiirigelinaya Xukuumadda in la jaro wixii xidhiidho iyo wada shaqeyn ah,illaa iyo intay ka aqbalayaan,in wada shaqeyn toos ah la yeeshaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaaliya,waxa uu moog yahay, in Dawladda iyo shacbiga reer Somaliland aanay ahayn kuwa Qaddiyadooda lagaga beddelan karo dhaqaale,waxayna shacbi iyo Dawladba cod dheer ugu sheegayaan,in aanay usoo dhaafin Xerada Xalane ee ay ka xukumaan Somaaliya,tan iyo intay indhahoodu arkayaan xaqiiqada ka jirta Somaliland,isla markaana oggolaanayaan,in Somaliland wixii kaalmooyin ah ee la siin si toos ah loogala xaajoodu Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,badheedhaha rasmiga ee JSL waa sidaa maanta iyo berriba.
FAALO CABDILAAHI AADAN CUMAR “WAYAB”