GABILEY(W,N)-Xisbiga kulmiye ayaa maanta iskugu soo baxay fagaaraha khariyada Ee Magaalada gabiley oo ay ahayd maalintii ololaha uu u lahaa Taasi oo ay kusoo bandhigeen musharixiinta wakiilada iyo deegaanka xisbiga kulmiye uga sharaxan gabiley Awoodooda Taageero.
Hadaba Taageerayaasha Maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar cabdi oo markale usharaxan golaha deegaanka ayaa fagaaraha gabiley iyo goobaha ay ku yaalaan xafiisyadiidu kusoo bandhigay cududooda taageero kuwaasi oo wacdaro ka dhigay fagaaraha khariyada gabiley iyagoo lulayay calanka kulmiye iyo astaanka musharax Maxamed Amiin ee 201.
Sidoo kale maayarka musharax amiin ayaa taageerayaashiisa kala hadlay fagaaraha huteelka taj plaza ee magaalada gabiley oo ay iskugu yimaadeen isagoo uga mahad celiyay sida qiimaha leh ee ay umuujiyeen taageeradooda,
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;