Kulankan oo sida ay Warbahinta Qaar u xaqiijiyeen oo ay ka soo shaqeeyeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa duhurkii maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada.
Kulankan ayaan faahfaahintiisa labada dhinac midkoodna aanu warbaahinta u soo bandhigin, balse sida ay ilo wareedyadaasi u xaqiijiyeen hadhwanaagnews, waxa ay dood dheer ka yeesheen xaalada guud ee uu dalku marayo iyo shirka dooda qaran oo ay xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo wadani qorshihiisii wadaan.
Shirkan dooda qaran oo uu marti qaadkiisa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland hore ugu fidiyey Madaxweynaha Somaliland ayaa laf dhuun gashay ku noqotay xukuumadda, waxaana inta badan ay warbaahinta ka sheegaan in uu yahay mid xaaraan ah.
Si kastaba ha ahaatee kulankan labada dhinac maanta ku dhex maray qasriga Madaxtooyada oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay si gaar ah u wada yeeshaan tan iyo intii ay xisbiyada Mucaaradka ahi madasha wadatashiga kala wareegeen qabashada doodaasi qaran ayaa si aaah looga dooday suurtogalnimada in la hakiyo shirkaasi.
Taas oo ka timid dhinaca madaxweynaha Somaliland, balse Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa la sheegay in uu adkaysanayo in aanu shirkaasi ahayn mid wax ka xumaynaya Somaliland, balse uu yahay mid lagu toosinayo qaranka Somaliland.
Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane