MUQDISHO(W,N)-Iyadoo maalinta berri ah kulan aan caadi aheyn ay isugu imaanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka Somaliya ayaa dhinaca kale qoraal ka soo baxay midowga Mushariixiinta ayaa digniin udiray xildhibaannadda in aanay qaadaningo’aanno lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka.
Qoraalka ayaa dhinaca kale loogu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble in uu la wareego hoggaanka doorashada dalka.
Sidoo kale midowga musharixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo In uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan heshiis kama danbeys ah oo laga gaadho doorashooyinka dalka somaliya
Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in Baarlamaanka Soomaaliya uu qaado tallaabo la mid ah tii 12kii bishan April.
Halkan Ka Akhri Bayaan Ay soo Saareen Midowga Musharixiinta Somaliya;