WAJAALE NEWS

“WHO Xaq Baa Loogu Leeyahay Xogta Ay Ka Hesho Somaliland Ee Ay Rasmi Ahaan Ka Qaadato Inay Cadayso Halka Iyo Cidda U Xaqiijisay”Cali Guray.

Waa Dhibaato ka jirta Somalia iyo Somaliland oo la xidhiidha awoodda baadhista COVID-19 oo aad u hoosaysa. Sababuhu way kala duwanaan karaan labada dal ee dhinaca xog ururinta Haya’dda Caafimaadka Aduunka (WHO) aan kala saarnayn ee midka keliya ah. Somalia way adag tahay in xog sax ah laga helo waayo ma midaysna adeegeeda caafimaadku xidhiidhka Muqdisho iyo maamul goboleedyaduna ma wanaagsana intooda badan sidaa daraadeed xogta maamul goboleedyada si toos ah uguma gudbiyaan maalin kasta Muqdisho. Markaa inta badan xogta Wasaaradda Caafimaadka ee Somalia waxa laga yaabaa inay u badan tahay magaalada Muqdisho oo keliya.

Somaliland oo baadhista dadku ay ilaa hadda aad u hoosayso hadana maalin kasta waa la shaaciyaa xogta dhinaca baadhista COVID-19, hase yeeshee xogtaasi maaha mid si gaar ah uga sheegan xogta Somaliya. Haya’dda WHO way kartaa in tirada guud marka ay sheegto hadana u sii kala saarto gaar gaar xataa Somaliya Iyo maamul goboleedyadeeda. WHO xaq baa loogu leeyahay xogta ay ka hesho Somaliland ee ay rasmi ahaan ka qaadato inay cadayso halka iyo cidda u xaqiijisay. Waayo Somaliland hadii aanay shaacin ma jirto cid kale oo ay ka heli kartaa.

Somaliland waxa laga yaabaa in tirada baadhistu ay marba marka ka dambaysay ay sii korodho balse waxay ku xidhan tahay awoodda Adeegga caafimaadka oo runtii ay wax badani ka dhiman yihiin.

Dad badan ayaa ka naxa marka tiro cusub oo intii hore ka badan la shaaciyo laakiin maaha wax kale ee tiraddii baadhista ayaa intii hore ka badatay uun baa loo qaadan karaa. Taasina waa tii loo baahnaa ee la doonayay.
Dadkeena way ku adag tahay kala durugga bulshadu ( social distancing), gaar ahaan dadka saboolka ah oo noqonaya inta badan, hadii aan laga caawin duruufaha adadag ee ku xeeran, waxa la yidhaa Zidhnaanshaha Buuxa ( total shutdown) iyadu duruufaha iyo dhaqankeena maaha wax sidii loo baahnaa uga soconaya, in kasta oo xaaladdu weli sahlan tahay. Wasiirka Caafimaadka ee dalka UK ayaa dadka u sheegay in ay muddo la sii noolaan doonaan cudurka COVID-19.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

Exit mobile version