Buuhoodle (WJN) – Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen madaxda dhaqanka, cuqaasha, waxgarad iyo culimada ayaa ka furmay maanta magaalada Buuhoodle.
Shirkan ayaa la sheegay in Madaxda dhaqanka ee Buuhoodle ay kaga arinsanayaan sidii Gudi maamul loogu samayn lahaa degaankaasi.
Garaad Cabdirisaaq Garaad Doofe oo isagu soo qaban qaabiyay shirkan ayaa ujeedada shirkan ka warbixiyey, waxaana uu sheegay in deegaanka ay dhibaato ku hayaan dad xilal kala duwan wata kuwaas oo ku tilmaamay in ay khatar ku hayaan amaanka iyo horumarka.
Shirkan ayaa dhowr maalmood socon doona ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo ku saabsan aayaha iyo horumarka deegaanka iyo sidii ay deegaanka uga saari lahaayeen maamul goboleedkaa Soomaaliya ee Puntland.
Wajaalenews Desk
Buuhoodle Office
Wajalenews@gmail.com