WAJAALE NEWS

Afhayeenka Al-Shabaab Oo Hanjabaad Culus U Diray Xildhibaanada Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(WJN)Afhayeenka Guud Ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Ayaa Hanjabaad Cuus U Dirayxildhibaanada Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,Xili Labadii Maalin Ee Lasoo Dhaafay Muqdisho Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Labo Xildhibaan.

Sheekh Cali Dheere Waxa Uu Xusay In Hadafkooda Ugu Horeeya Uu Yahay La Dagaalanka Xildhibaanada Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Uu Ku Tilmaamay Kuwa Diinta Hareer Marsan Oo La Baxay Sharci Dajiyaal .

Afhayeenka Al-Shabaab Ayaana Ku Amray Dagaalyahanada Katirsan Shabaab In Ay Sii Kordhiyaan Beegsiga Ay Ku Hayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya , Waxa Uuna Ugu Baaqay Dagaalyahanadaasi In Aysan Hadafkooda Ka Daalin.

Sheekh Cali Dheere Ayaa Sheegay In Weerarao Kala Duwan Magaalada Muqdisho Ka Geesteen Isagoona Tusaale Usoo Qaatay Weerarkii Ay Ku Qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Iyo Weeraro Kale Ay Ku Qaadeen Xarumo Ciidamada AMISOM Leeyihiin.

Hanjabaada Al-Shabaab Kasoo Yeerray Ayaa Imaanyaa Xili Labadii Maalin Ee Lasoo Dhaafay Magaalada Muqdisho Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Labo Xldhibaan Oo Katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaana Dilalkaasi Masuuliyadooda Sheegtay Al-Shabaab.

 

Wajalnews.Net

/Hargeisa/Ofice

 

Exit mobile version