WAJAALE NEWS

Maxaa Keenay In Lagu Maadeysto Dalka Imaaraadka Carabta?

Hargeysa (WJN)- Koomiishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Somaliland, ayaa bilaabay baadhintaano ay ka wadaan qaar ka mid ah Hay”addaha Dowlada. Dubai (WJN)- Dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu maadeystay kadib marki ay ku dhawaqeen dadkii ku guuleystay abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka. Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in dadkii abaalmarintaasi la guddoonsiiyay ay dhamaantood ahaayeen rag.

Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum, oo ah amiirka xukumo Dubai ayaa la arkayay isagoo u hambalyeynaya raggii ku guuleystay abaalarinnada, waxaana uu ku nuuxnuuxsaday in dumarka ay udub dhexaad u yihin horumarka dalkaasi uu gaadhayo mustaqbalka.

Balse dad badan oo arrintan Twitterka ku hadal hayay ayaa su’aal geliyay ka maqnaanshaha dumarka ee xafladaasi.

Sawir la soo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska warfaafinta dowladda Dubai ayaa muujinaya Sheekh Maxamad oo ag taagan 5 hablood, inkastoo magacyadooda iyo waxa ay yihin aanan sawirka lagu qorin.

Warbixin ay soo sareen saarkiil ka tirsan xafiiska warfaafinta ayaa lagu sheegay in sinnaanta ragga iyo dumarka guul laga gaadhay isla markaana laga shaqeeyay hoos u dhigida farqigii jinsiga ee u dhaxeeyay shaqaalaha u shaqeeya dowladda dalkaasi.

Bishii Abril, barlamaanka dalkaasi ayaa ansixiyay sharci dhigaya in ragga iyo dumarka si siman mushaarka loo siiyo, hasayeeshee bishii afaraad ee sannadkii tegay ayaa waxaa lasoo saaray warbixin ka hadleysa farqiga jinsi ee u dhaxeeya dalalka caalamka, waxaana dowladda Imaraadka ay dalal gaadhaya 149 ka gashay kaalinta 121.

Hay’adda u doodda xaquuqda aadnaha ee Human Rights Watch ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in takoorka la xidhiidha jinisiga aan lagu sheegin sharcigii ay dowladda dalkaasi soo saartay sannadkii 2015-kii.

Exit mobile version