WAJAALE NEWS

Sheekh Cabdiqaadir Carab (SH.jaabir) oo Maanta ka hadlay munaasibada Xuska Laylatul micraajka Ayaa Bulshada USoo jeediyayTalooyin muhiima

HARGEISA(Wajaalenews);Sheikh jabir oo ka hadlay munaasibadii micraajka ee maanta lagu qabtay hottel maansoor ayaa khudbadiisii ku sheegay arrimo ay kamid yihiin inuu salaan iyo duco u diray cidkasta oo munaasabada micraajka ku xusaysa dalka gudihiisa iyo dibadiisa isagoo ilaahay uga baryan dadka muslimka ah waafajiyo jacaylka iyo waynaynta nabigooda s c w islamarkaana barako iyo khayr kasiiyo dabaaldega noocan ah ee sharciga diiniga ah iyo qodob distoorkeena ku yaala inay tahay maalin dalku fasax ka yahay shaqada kale si loo wayneeyo xuskan dheelminta nabigeena suuban waxaanu canaan usoo jeediyay cid kasta oo maanta munaasabadaa inta moogan oo jartay ama khaladba ka fahantay ama kaga mashquulsan dantiisa gaarka ah

 khaasatan culimada qaarkood oo aan iyana iman dadkana u sheegin inay tahay maalintii nabigu rabbigii arkay islamarkaana uu inoogusoo dhiibay shanta salaadood ee faralka ah ee aan ku cibaadaysano waxaana sheekhu aad carrabka ugu adkeeyay inay tahay gabood fal aan la xamili karin hadii dadku sidaas umooganaadaan munaasabadaha noocan oo kale ah taasi oo dadku ku dayan karaan  ninay sheekh u haystaan laakiin wax kale ah waxaana la odhan karaa waxaa dadkaa lasoo darastay nibi la,aan iyo diin la,aan meel xum gaadhay.

Sidoo kale waxa uu sheekhu  fikir cusub kusoo jeediyay bacdamaaba ay tani dhacday oo munaasibadii waynaynta nabigeena suuban s c w ay dad yartahay oo sidan dadku uga dhaceen miyaan la odhan karin 18 may baa laga doortay haa haa haa waa khalad waxaanse odhan lahaa maanta dadka kolba waxii la barro ay ihtimaam siiyaan iyo waynayn sidaa darteed waxaan maanta halkan ka codsanayaa in ummada nabbigeeda jecel balse bilaa baraarujinta iyo wacyigalinta ku dhacday ee culimadeedii tabaysa haloo furo mawjad FM ah oo la jaanqaada tan Quranka kariimka ah ee socota hanaloo bixsho NABIAMAAN FM si dadka nabbiga jecel u dhagaystaan si joogto ah isla markaana ay sare u qaado xuska nabiga waayo quraan iyo saliga nabigu makala hadhi karaan waa inuu isna hadh iyo habeen inoo baxo  oo aan xuskiisa carrabka iyo dhagaha intaba ku haynaa taasna waxaa dhaqaajin kara xukuumadda maanta joogta iyo laamaha wasaaradeed ee u qaabilsan

 

Ugu dambeystii wuxuu sheekhu allaah ka baryay in munaasibadaa munaasibadeeda dadka iyo dalka nabad galayo iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo

 

Sh jabir hargiesa

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version