WAJAALE NEWS

Shirwaynaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo Furmaya iyo Amaanka Magaalada Jigjiga oo Aad Loo Adkeeyay

Jigjiga (WJN)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmaya shirwaynaha xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida oo socon doona saddexda maalmood ee soo socota.

Shirwaynahan oo ah midkii 10 waxaa ka qaybqaadanaya ergooyin kor u dhaafaya 1,300.

Ergooyinkaas waxaa laga soo kala xulaa 93 degmo iyo 6 maamul magaalo oo ku yaalla Dawlad Deegaanka Soomaalida kuwaas oo mid kaste loo qoondeeyay 13 xubnood, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka itoobiya iyo magaalada Diri Dhaba oo ah caasimadda labaad ayay iyaguna ka yimaadaan min 19 xubnood.

Ergada ayaa lagu wadaa in ay noqdaan 1,325, balse waxaa codaynta xaq u yeelan doona in kabadan 600 oo kali ah.

Sidoo kale Amaanka magaalada Jigjiga ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamada kala duwan ee dawlada deegaanka Somaalida gaar ahaan Liyuuga iyo Arbaatanaagu meel kaste kamuuqdaan.

Shirarkii hore ee xisbiga ayaa waxaa lagu soo dooran jiray ugu yaraan 45 xubnood oo golaha dhexe ah iyo in kabadan 10 xubnood oo gudiga fulin ah.

Indhaha ayaa ku wada jeedda shirwaynaha xisbiga talada haya maadaama uu yahay midkii koobaad tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar. Waana halkan kan laga dheehan doono isbadelka rasmiga ee dhici kara.

Shirkan ayaa dhawr jeer dib loo dhigay waxaana aad u xoogaystay dareenka laga qabay in ay is mari la’aayeen Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Axmed Shide.

 

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version