WAJAALE NEWS

Shirweynaha Xisbiga X.D.SH.D.S oo Ka Furmay Jigjiga+SAWIRRO

Jigjiga (WJN)– Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida waxaa si rasmi ah uga furmay, Shirweynaha 10-aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida.

Shirkan oo usbuucyadii lasoo dhaafay qaban-qaabadiisa laga dareemeyay deegaanka Soomaalida ee dalka ethiopia waxaa ka qayb galay Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar,Gudoomiyaha Xisbiga SH.D.S Mudane Axmed Shide iyo xubnaha xisbigaasi oo ka kala yimi Degmooyinka Dawlad deegaanka.

Shirwaynahan oo ah kii 10aad waxaa ka qaybqaadanaya ergooyin kor u dhaafaya 1,300.

Ergooyinkaas waxaa laga soo kala xulaa 93 degmo iyo 6 maamul magaalo oo ku yaalla Dawlad Deegaanka Soomaalida kuwaas oo mid kaste loo qoondeeyay 13 xubnood, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka itoobiya iyo magaalada Diri Dhaba oo ah caasimadda labaad ayay iyaguna ka yimaadaan min 19 xubnood.

Arrimaha sida wayn loogu gorfeeyay waxaa ka mid ah daadejinta  Isbadalka siyaasadeed ee ka dhashay deegaanka Soomalida.

maalmihii lasoo dhaafay, masuuliyiinta xisbigu waxay ku mashquulsanaayeen sidii loo xuli lahaa dadka ka qayb galaya shirka xisbiga iyo shuruudaha lagu qaadanayo.

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version