Jigjiga (WJN)– Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Xarunta uu ka socdo Shirwaynaha Xisbiga Hogaamiyaha Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo maalintii saddexaad shir uga socdo magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in la Doortay xubnaha Gudiga fulinta oo ka kooban 9 xubnood, kuwaasi oo ay iska dhex doorteen Xubnaha Golaha dhexe oo ka kooban 61 xubnood, oo iyagana maanta la doortay.
xubnaha Gudiga Fulinta ee laga dhex doortay Golaha dhexe ayaa kala ah.
XUBNAHA GUDIGA FULINTA.
1-Mudane Axmed Shide gudoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga Soomalida (SDP)
2- Mudane mustafe muxumed cumar Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Soomalida
3-Mudane Aadan faarax
4-Mudane Maxamed Shaale Isaaq
5-Mudane Mubaashir Dubad
6-Mudane Faatax maxamed faatax
7-Mudane Cabdiraxmaan ciid
8-Mudane Cabdiraxmaan hurre
9-Mudane cabdicaadil xasan.
Isbadallo kale ayaa lagu sameeyay Hanaanka Xisbiga, waxaana ka mid ah in la bedelay astaanta Xisbiga iyo Magaca Xisbiga oo laga dhigay Xisbiga Dimuqraadiga Soomalida (Somali Dimucratic Party -SPD-), halka uu markii hore ka ahaa
-Xisbiga Dimuqraadiga, shacabka Soomaalida Itoobiya(X.D.SH.S.I.).
Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya ahna Gudoomiyaha Xisbiga EPRDF, ayaa maanta jigjiga soo gaadhay, waxaana ka qayb noqon doonaa wadatashiyada siyaasadeed iyo shirarka xisbiga ee ka socda magaalada Jigjiga.
Wajaalenews Desk
Jigjiga Office
Wajalenews@gmail.com