Jigjiga: Xisbiga SDP oo Xubno Cusub U Doortay Gudiga Fulinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jigjiga: Xisbiga SDP oo Xubno Cusub U Doortay Gudiga Fulinta
April 3, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)– Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Xarunta  uu ka socdo Shirwaynaha Xisbiga Hogaamiyaha Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo maalintii saddexaad shir uga socdo  magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in la Doortay xubnaha Gudiga fulinta oo ka kooban 9 xubnood, kuwaasi oo ay iska dhex doorteen Xubnaha Golaha dhexe oo ka kooban 61 xubnood, oo iyagana maanta la doortay.

Image may contain: text

xubnaha Gudiga Fulinta ee laga dhex doortay Golaha dhexe ayaa kala ah.

XUBNAHA GUDIGA FULINTA.

1-Mudane Axmed Shide gudoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga Soomalida (SDP)

2- Mudane mustafe muxumed cumar Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Soomalida

3-Mudane Aadan faarax

4-Mudane Maxamed Shaale Isaaq

5-Mudane Mubaashir Dubad

6-Mudane Faatax maxamed faatax

7-Mudane Cabdiraxmaan ciid

8-Mudane Cabdiraxmaan hurre

9-Mudane cabdicaadil xasan.

Image may contain: one or more people and crowd

Isbadallo kale ayaa lagu sameeyay Hanaanka Xisbiga, waxaana ka mid ah in la bedelay astaanta Xisbiga iyo Magaca Xisbiga oo laga dhigay Xisbiga Dimuqraadiga Soomalida (Somali Dimucratic Party -SPD-), halka uu markii hore ka ahaa

-Xisbiga Dimuqraadiga, shacabka Soomaalida Itoobiya(X.D.SH.S.I.).

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya ahna Gudoomiyaha Xisbiga EPRDF, ayaa maanta jigjiga soo gaadhay, waxaana ka qayb noqon doonaa wadatashiyada siyaasadeed iyo shirarka xisbiga ee ka socda magaalada Jigjiga.

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS