WAJAALE NEWS

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo Gaadiid Kala Wareegay Hay”adda FAO

Hargeysa (WJN)- Wasirka wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta Hay”adda FAO kala wareegay gaadiid iyo qalab loogu tala galay sidii loogu horumarin lahaa Beeralayda dalka.

Munaasibad balaadhan oo deeqdaasi Wasiirku kula wareegay ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo saraakiil ka socda Hay”adda FAO.

Ugu horayn waxaa munaasibadaasi ka hadley oo faah faahin ka bixiyay deedan ay Hay”adda FAO ku wareejisay Wasaarada Beeraha Maxamed Jaamac Gahayr iyo madaxa Hay”addaasi u qaabilsan deeqaha.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version