TOG WAJAALE(W,N)-Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Md.Axmed Muumim Seed iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer indho indhayn ah kusoo maray mashruuca Banka Wajaale Oo qayb kamid ah wasaarada beeruhu gacanta ku hayso.
Waftigan ayaa waxa wasiirka ka ku wehelinayay Md.lexman oo ah masuul u qaabilsan Hay’adda Fao dhanka beeraha iyo khubaro ka socday hay’adda Fao iyo wasaaradda beeraha.
Wasiirka wasaarada horumarinta beeraha iyo Masuuliyiinta ka socday haayada Fao ayaa kawada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka dalka, islamarkaana loo dhiir galin lahaa beeralayda dalka.
Waftigan uu wasiirka beeruhu horkacayo ayaa ugu danbaytii kormeer indho indhayn ah kusoo maray kastamka maaliyada ee degmada wajaale.
WAJAALENEWS DESK
TOG WAJAALE OFFICE