WAJAALE NEWS

Xisaabiyaha Guud Oo Iska Indho Tiray Wareegto Madaxweyne, Isla Markaana Wada Dhismayaal Aan Guddida Qandaraasyada Qaranka Soo Marin.

Hargeysa, (W,N) – Xisaabiyaha Guud ee Qaranka JSL, ayaa wada dhismayaal sharci darro ah oo aan marrin Guddida Qandaraasyada Qaranka.

Ilo xogogaal ah oo aanu hellay ayaa tilmaamaya in waaxda xisaabaadku

waddo dhismayaasha Xafiisyo ku kala yaala Burco iyo Saylac, Lacagta

dhismayaashani ku baxaysa ayaa la tilmaamay in ay ka badan tahay

$100,000 oo Dollar iyada oo si gaar ah, cid gooni ah loogu

naas-nuujiyay, maadaama aan wax tartan ahi aanu ka dhicin haba

yaraatee.

Sidoo kale, dhisme birta albaabka lagu xidho oo ay ka dhisayaan

xafiiska hortiisa ayay ku bixiyeen lacag dhan $20,000 sida xogta aanu

helay sheegayso, halka qiimaha dhabta ah ee ku baxayaa yahay $1400.

Waxaana la wariyay in waayadan danbe musuqmaasuq baahsani ka socday

Xafiiska Xisaabaadka Guud oo u muuqda mid aan lahayn cid baadha, iyada

oo hay’adihii u qaabilsanaa baadhistuna ay indhaha ka lalinayaan

maadaama oo ay xisaabtoodu marto oo aanay doonayn in ay isku dhacaan.

Dhinaca kale, Wareegtooyinka ka soo baxa Madaxweynaha JSL, ayaa u

muuqda kuwo aan wax saamayn ah ku dhex lahayn hay’adaha Dawlada ee ay

khuseeyaan, taas oo xagal daac ku ah nidaamka dawlada. Waxaana taas

dadka siyaasadda faaqidaa u daliishadeen talaabaddan waaxda

xisaabaadku inay ka hor immanayso Wareegto madaxweyne oo Sumadeedu

tahay JSL/XM/WM/222-87/42018 ee soo baxday 29/04/2018, ay si toos ah u

farayso Xisaabiyaha Guud in aanu sii dayn qandaraas ka badan $5000 oo

dollar, oo aan soo marin Guddida Qandaraasyada ee Qaranka JSL.

Si kasta ha ahaatee, lama garanayo sababta Xisaabiyaha Guud tartan u

galin waayay dhismayaasha uu ka dhisanayo gobolada dalka in uu mariyo

Qandaraasyada Qaranka iyo sababta keenaysa in uu lacag kula baxo

dhisme aanay ku kicin lacag badani.

XIGASHO WARGAYSA SAXAFI,

Exit mobile version