Waxa uu Mashruuc kasta u samaystay xisaab furan oo Xaqul-Qalinkiisa loogu Shubo, Hant-dhawrka Iyo Xisaabiyaha Guud oo u Fududeeya Nidaamka loola Baxo Lacagaha.
Hargeysa(Wajaalenews ) Xog ururin iyo baadhis uu Wargeyska Waaheen ku sameeyey waxa ka dhab ah warbixin sanadeedkii hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka musuq maasuqu ka soo saartay qaabka loo lunsado lacagaha ka soo xarooda Ilaha Dakhli soo saarka ayaan ku ogaanay in musuq maasuqa ugu weyni uu ku habsaday bixinta mashaariicdii ku jirtay Miisaaniyad sanadeedkii 2016-kii, taasoo ay Guddida qandaraasyadda qaranku ku bixiyeen Suuq madow oo aan loo soo bandhigin bulshada, isla markaana la bixida lacagaha mashaariicdaasi ay u fududeeyaan Hanti-dhawreaha Guud ee Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud oo sharciyan u leh hubinta qaabka guddida Qandaraasyadu usoo bixiyeen.
Inkasta oo warbixin sanadeedka Hay’adda Maamul wanaagu iftiimisay siyaabaha iyo meelaha uu musuq maasuqu ka jiro, hadana Waaheen waxay bilowday qorshe balaadhan oo ay ku ogaanayso xaqiiqooyin iyo xogo intaas ka badan, waxaana usoo baxay in hay’adda Guddida Qandaraasyadda qaranku tahay meelaha halbawlaha u ah in la musuq maasuqo shaqada ay qaranka u hayso ee ah inay bulshada Somaliland ka qayb gasho si furan mashaariic kasta oo dalkan laga fulinayo.
Xogaha Waaheen uu helay waxa ka mid ah in sideeda xubnood ee guddida qanadaraasyada qaranka uu albaabada ka xidhay guddoomiyaha Cusub Shariif Abokor, kaasoo uu Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay bishii sagaalaad ee sanadkii 2016-kii wakhtigaas oo ay inta badan ku beegmaan bixinta qandaraasyadda ku jira Miisaaniyaddaha.
Tan iyo maalintii uu la wareegay waxa soo baxaya in Qandaraasyo badan uu bixiyey, isagoon wax ogeysiis ah bulshada siinin, sidoo kale aan Ogeysiin xubnaha kale ee la shaqeeya, kuwaas oo sharcigoodu dhigayo in ay mashruuc kasta ku Ansixiyaan shan xubnood, taasoo ka dhigaysa cod hal dheeri ah inay xubaha guddidaas ku Meel mariyaan qandaraas kasta oo aya sharci u leeyihiin in uu soo maro.
Wallow aanay arrintani ku koobnayn guddoomiyaha cusub oo kali ah oo xataa kii uu kala wareegay uu sidan oo kale u maamuli jiray Qandaraasyada, hadana ilo wareedyada rasmiga ah ee aanu ka helnay waxa ay sheegayaan in uu guddoomiye Shariif dheeryahay in uu shaqadii guddida oo dhan kalidii la wareegay.
Sidoo kale, waxay ilo wareedku sheegayaan in uu Xisaab cusub oo uu kalidii maamulo isla markaana uu ku furtay magaca guddida samaystay muddadii yarayd ee koobnayd, xisaabtaas oo uu ku shubto lacagaha uu xaqal qalinka u qaato marka uu mashaariicda u saxeexayo dadka ay isaga iyo xukuumadda uu u shaqeeyaa soo siiyaan.
Mashaariicda ay guddida qandaraasyaddu sanadkii 2016-kii sida sharci darada ah u bixiyeen waxa ka mid ah dhismayaal ay ka mid yihiin:-
- Hoolasha wasaaradda Warfaafinta
- Dhismaha wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha
- Ceelasha Biyaha ee Togdheer, Sool iyo Awdal
- Baabuur loo Iibiyey hay’addaha Dawladda
- Dhismaha wasaaradda Hawlaha guud ee Burco
- Dhismayaal wasaaradda Beeraha ee Laascaanood iyo Sheekh
- Garoomadda Kubadaha ee Burco, Laascaanood iyo Borama Roogaga la dhigay
- Wasaaradda Kalluumaysiga qalab ay Miisaaniyadda ku darsatay
- Dawooyinka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
- MCH-yada wasaaradda Caafimaadka ee Oodweyne iyo Salaxlay.
Iyo kuwo kale oo badan oo dhamaantood ku jiray miisaaniyadda 2016-ka, kuwaas oo aan wax tartan ah loo galin.
Xubnaha guddida qandaraasyadda Qaranka ee xaqa u leh maamulka hawsha ay qaranka ugu igman yihiin ayaan awood lahayn, isla markaana banaanka ka jooga hawl maalmeedkii shaqo ee ay lahaayeen, walina kamay hadal maamul xumada iyo ku tagrifalka awoodeed ee Guddoomiyaha cusub.
Intaas waxa dheer in Hanti-dhawraha Qaranka Somaliland iyo Xisaabiyaha Guud ee qaranku aanay wax dabagal ah ama is hortaag ah ku samaynin talaabooyinka Guddida Qanadaraasyada Qaranka, waxaanay taas bedelkeeda u fududeeyaan la bixida Lacagahaas aan loo marin nidaam sharci.
Komishanka Maamul Wanaaga iyo masuuliyiin ka tirsan Ururka qareenadda ayaa siyaabo kala duwan walaac uga muujiyey nidaamka sharci darro ee ay xukuumaddu u isticmaasho Miisaaniyadda Qaranka, waxaanay farta ku fiiqeen haddii aan wax laga qaban in uu dhaqaalaha dalku ku danbayn doono fawdo, sida ay imikaba Iftiimiyeen.
XIGASHO WAHEEN