WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Cabdikariin Qalbi-dhax

Hargeysa (WJN)- Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax oo ka mida saraakiisha sar sare ee jabahada ONLF oo maal mihii u danbeeyay socdaal ku joogay Somaliland ayaa waxa uu maanta booqaday xarunta dhexe ee Xisbiga mucaaridka Ucid uu ku leeyahay Hargeysa, Iyadoo halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Xisbigaasi iyo masuuliyiin sar sare oo xisbigaasi ka tirsan.

Kulan saacado socday oo labada dhinac ay wada yeesheen islamarkaana warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa faah-faahin ka bixiyay ujeedka kulanka iyo waxyaabihii lagag wada hadley Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Isagoo sidoo kalena si adag u dhaliilay siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa isna kulankan ka hadley Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax isagoona gudoomiyaha xisbiga Ucid uga mahad celiyay sida uu ugu soo dhaweeyay xarunta xisbigaasi iyo martiqaadkii uu u sameeyay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version