WAJAALE NEWS

“Suldaanka guud Waxaan Leeyahay, Suldaanka Subeer-awal Ayaad tahay Lagaagama Fadhiyin Inaad Adigu Tidhaahdid Waxaan Kala Saaray Sacad Muuse;Siyaasi Ismaaciil Yare

“Xisbiga ayaa sharcigiisu dhigayaa in lagu tartamo oo ninkii nasiibkiisa qaadaa ka soo baxee, dee sidii tii hore aad u kala reebtay haddaad cid la jeceshay kala reeb Adigu Madaxweyne…” Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare)

Hargeysa, (Wajaalenews)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland wakhtigii Xukuumaddii UDUB Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), oo hadda ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u soo jeediyey sidii uu markii la qabanayey Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE u kala reebay Musharrixiintii hanka lahayd ee doonaysay inay u tartamaan jagada Guddoomiyaha immikana haddii ay jirto cid uu Musharraxnimada la jecel yahay u kala reebo Musharrixiinta Khilaafka Siyaasadeed Beeshooda ka dhex-abuuray ee Guddoomiyaha Xisbigaas iyo labada Wasiir ee Maaliyadda iyo arrimaha dibedda.

Waxa uu Ismaaciil-yare sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Munaasibad Salaaddiinta, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada, Aqoonyahanka, Wax-garadka iyo Dhalinyarada Beelaha Sacad Muuse isugu yimaaddeen oo loogu yeedheen Kulan Badbaado oo lagu qabtay Huteel Maansoor, kana qaybgaleen dad illaa Afar Kun oo Ruux lagu qiyaasay, kuwaasoo sheegay inaanay Beeshu kala saari karin Musharrixiinta Hanka Siyaasadeed leh, isla markaana cidda kala reebi karta ee kala dooran kartaa tahay Xisbiga ay ka tirsan yihiin oo ay goordhaw ka kalsoonida Xisbiga hela Beeshuna taageeri doonto.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) waxa uu Beesha uu ka soo jeedo u soo jeediyey inay dhawraan magaca, milgaha iyo sumcadda ay leeyihiin, isla markaana ka xishoodaan Beelaha kale ee Somaliland ee dadka hanka hoggaamineed lihi ka soo jeedaan sida Siyaasiyiintooda oo kale, waxaanu sheegay inaanay Guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse ee lagu doortay Shirkii Agabbar ee Hoodaale aanay beddeli karin wixii loo doortay, cid beesha ah oo ay wax ka beddelan wixii loo doortay fasax uga qaateen jirin, arrimo siyaasadeedna aanay faro-gelin karin.

“Suldaanka guud waxaan leeyahay, Suldaanka Subeer-awal ayaad tahay lagaagama fadhiyin inaad adigu tidhaahdid waxaan kala saaray Sacad Muuse, Suldaanka Habar-awal ayaad ahayde miyaanu Jamaal Cali Xuseen Habar-awal ahayn oo aanu Xisbiga UCID Musharrax ka ahayn, xaggeed kaga tagtay? Miyaanay ahayn Beel dhan oo aad deedifaysay? Waxaan leeyahay Suldaanka guud ee Subeer-Awal Cumaamaddi way ka dhacday ee dib haloo saaro Cumaamadda, maaha inuu yidhaahdo waan guddoomiyey oo Shaanbaddaan ku dhuftay waxaan lagu wada socon.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan.

Waxaanu Ismaaciil sheegay in sida Shibbir bilaa baalal ahi u duuli karin aanu Suldaan aan Baalashiisa oo Cuqaasha ahi wadan keligii go’aan gaadhi karin, wax aanay Cuqaasha aqlabiyaddeedu u fadhiyinna aanu guddoomin karin, sidaa awgeed waxa uu sheegay inuu Suldaanka guud u soo jeedinayo inuu maslaxadda iyo madasha dhex-dhexaadnimada iyo isfahamka dib ugu soo laabto.

Ismaaciil-yare oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waar ballankii iyo cahdigii xaggee ayuu ka dhacay, wixii la isku ogaa haddii ay afar nin bedasho ka warama? Shirkii HOODAALE Ragii tagay ayaan ka mid ahaa waxa la yidhi waxaynu dooranaynaa Guddi aan siyaasad shaqo ku lahayn oo horumarinta ka shaqaysa. Shirkaasi markii hore siyaasiyiinta ayaa faraha kula jiray oo uu u qabsoomi waayay markii la yidhi siyaasadii ayaa laga saaray ayuu qabsoomay.”

“Haddii maalinba qolo Siyaasiyiin ah oo Musharraxiin doonaysa uu midina weerar u noqdo midina difaac u noqdo, oo maalin walba Warbaahinta la isaga soo jawaabo oo Salaaddiin hibo iyo sharaf innaga mudan oo aan waxba hubsan ay taageero cidla ka bixiyaan reerka Ceeb ayay ku tahay. Ragga Musharrixiinta ah waxaan ILLAAHAY ka baryayaa ka ugu khayr badan ee dalkiisa ee caddaalad ku dhaqi doona shacbiga Somaliland ee idinkana beel ahaan magaciinna wanaag u soo jiidaya ILLAAHAY ha innooga dooro,” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare).

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan oo si gaar ah ula hadlaya Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha waxaan leeyahay, Madaxweyne haddaad cid wax la jeceshay Xisbiga KULMIYE adigaa u Oday ah, kal-hore Guddoomiyaha Xisbigaa loo wada tartamayey, waataad noo yeedhay ee aad na tidhi; ‘Guddoomiyaha u wada daaya Muuse Biixi Cabdi’ waa looga wada hadhay oo Gacmahaa loo taagay oo Raggii Labada Gacmood halkan (Hoolka weyn ee Maansoor) gacmaha u taagay baan ka mid ahaa isagoo (Muuse Biixi) ii diiday Xisbiga-ba inaan ka mid noqdo oo uu hal xubin iiddiiday. Tartankii lagu tartamayey ee Sharciga Xisbiga KULMIYE dhigayey Madaxweyne waad joojisay in lagu tartamo oo Odaynimo ayaad ku joojisay oo aad tidhi Muuse u daaya, sidii ayaa loogu daayey.”

“Maantana waxaan leeyahay Innamadu saddex, afar iyo shanba ha noqdaane adigaa lagaaga fadhiyaa ee reerka xaq looguma laha soo kala saara. Xisbigu waa Xisbi Qaran, Xisbiga ayaa sharcigiisu dhigayaa in lagu tartamo oo ninkii nasiibkiisa qaadaa ka soo baxee, dee sidii tii hore aad u kala reebtay haddaad cid la jeceshay kala reeb Adigu Madaxweyne. Qoladan Wasiirrada ah haddaad reebayso u yeedh oo waxaad tidhaahdaa Wasiir baad tahay oo waan kaa reebay, haddii kale waxaad tidhaaahdaa Wasiirnimadaba Warqaddeedi waatane qaado oo bannaanka kula tartan dheh.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil-yare.

Ismaaciil waxa uu sharraxay nidaamka Sharci ee Xisbiga KULMIYE waxa uu dhigayo, waxaanu yidhi; “Markaa, waxaan leeyahay in la tartamo weeye sida Sharciga Xisbigu dhigaya in tartan la galo. Innaga waxa waajib innagu ah mar walba kol haddii Xisbiga lagu tartamayo ciddii uu soo saaro Xisbigaasi ciddii Illaahay Caafimaad iyo nabad ku gaadhsiiyaa inay codkooda siiyaan hadday u arkaan nin dalka iyo dadkaba anfacaya, maaha codka in lagu bixiyo qabyaalad iyo nin jeclaysi, haddaanay anfacayna Musharrixiinta kale waa inay codkooda siiyaan ee ay isleeyihiin way uga roonaanayaan dalka iyo dadkaba. Ta kale haddii sidan lagu jiro Siyaasiyiintuna way i maqlayaane oo is-eryadkan lagu sii jiro dee dhaqaale-burbur baaba innagu dhacaya ee is-eryadkan halla joojiyo.”

Ismaaciil-yare oo sheegay inuu Beelo ka tirsan Beelaha Somaliland farriin u dirayo, waxaanu yidhi; “Farriin baan dirayaa oo Beelo beelaha Somaliland ka mid ah baa waxay yidhaahdaan dee nin noo keena kaasaannu codka siin doonnaaye way is-garab-yaacayaane, waxaan leeyahay hadday idinka dhab tahay Xisbigaa lagu kala baxaaye ka Xisbigu soo saaro uun codka siiya, illeen beelaha laguma kala baxo oo waa taynu Xisbiyada iyo Ururrada ka samaysannaye. Siilaanyo ma beel-baa soo saartay? Maya Xaashaa-lillaa Somaliland oo dhan baa codka siisay oo dooratay.”

 

Exit mobile version