WAJAALE NEWS

Sicirka Koobka Shaaha Iyo Xadhiga Burco; Cajiib!!! Plus Sheekadii Biyaha Hargeysa iyo Sicir Goyntii Dameeraha!! Prof Cabdi Cali.

Waan Garanayay ninkii ay isu ekaayeen jug soo dhacay in aanu waxaa wax ka yar soo wadin; maalin dhawaydna qosolka ayuu iga dhammeeyay mar uu ka jawaabayay waxa sarrifka kor u qaaday; kuye nin jaadle ah ayaa suuqa soo galay 40,000 dollar ayuu sarriftay; well done; what a genius man!!!!

Haddii uu qaatey inuu xidh-xidhdho shaahlayaasha, sida kaliya ee ay ugu najixi kartaa–I am serious now– waa inuu qaado hal tallaabo, taasina waa inuu kabo Sonkorta ama caanaha ama biyaha ama dhuxusha; intuba way ku qaaliyoobeen shaahlayaasha; waxana keenay shidaalka qaali garoobay iyo cashuuraha kor loo qaaday; haddii kale tani Maxamed yareba waa tii u socon wayday; dameerka biyaha xaafaddayda u shuba ayaan dharaar dhawayd ku idhi: waar foostada dhabarkeeda waxa kuugu dheggan sixir, adiguna wax intaa ka badan ayaad sheegaysaa; waa sidee; wuxu igu yidhi: adeer dushana waa ka 12,000 sh foostadii, hoostana waa 20,000 sh, intaan qoslay ayaan xasuustay weedhii Xariir Sh. Cisman Nur uu hore u yidhi: Dusha ka sumuni, hoostana ka saddex gambo; ma laha lacagtaa yar-yarku may soo gaadhine; isagu muu ogeyn ninka la hadlayaa inuu yahay dhaqaaleyahan!!!

Mr Maxamed yare, si uu asturo qiimo kordhinta biyaha ee soo socota ayuu Maxamed yare iyo cidduu ka amar qaataa is yidhaahdeen xarfad ciyaara, markaasuu dameerihii kala xarraasay; foostaadii biyaha ayaa qiime loo jaray; dhabarka ayaa loogu dhejiyay dameer kasta; macal telkiisii; maxaa dadaal iyo dhidid ka dhacay; hoombaro libaax bay soo waddaa!!!

Dee maxay sameeyaan; saw Kulmiyihii hore il kasta muu sii awdin; hadday noqoto Dekaddii, Haamihii iyo ilihii kale oo la sii wada private-gareeyay; dee maxaanu samaynaa; biyaha ayaa nagu hadhay; iyagaa noo dekad ah; oo noo haamo ah; oo noo madaar ah….. Miskiin ayaa misko la fuule leh!!!Shacabka Hargeysa ha iska yara adkaystaan; gaar ahaan inta yar ee biyaha hesha; qasabad ku hesha; ama dameer qasabad ka soo dhaamiyay; inta kale iyagu sidoodii hore.

Subixii danbe ayay ku soo tooseen dadkii qiime cusub oo loo jaray biyihii; halkii uu ka ahaa 9000 sh mitir kuyuubigii waxa laga dhigay 14500 sh; an increase of 61% (if my calculation is correct); jawaabtiina waxay noqotay shidaalkii baa qaali garoobay!!!!!!!

Mr. Jug soo dhacay, kab ha u sameeyo dhuxusha, ama biyaha ama sonkorta; haddii kale yaanu ina xiijin Xaajigu; ka fursan mayso inuu kaco koobka shaahuye (sooner or later); waa suuq waxa meesha shaqaynayaa; malaha adiga suuqa shaqaynayaa kuuma muuqdee, ragga shaaha karinaya ayaa kuu muuqdee; u sheega Mr Jug soo dhacay in aan la joogin lixdankii ama todobaatankii ay isaga iyo afar kale dadka mutacallimiinta u ahaayeen; adeer waxa dalka kula jooga boqollaal aqoonyahayan oo dhaqaalo yahanno ah oo aanu soo saaray 15-kii sano ee u danbeeyay; yaan lagugu qoslin ee is qari!!!

Haddii kale Maxamed yare ayaaba ku dhaamaye; xadhiga intaad innaga joojiso; maqaayadaha ku dheji qiimaha koobka shaahi waa 1000 shilling; bal in ay kuu shaqayso; timirtii horeba dab loo waa!!! Maxamed yareba taas waa!!!!!

QALINKII PROF CABDI CALI JAAMAC.

Exit mobile version