WAJAALE NEWS

DAAWO;Ururka Uk Somaliland Seafears Association Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland+SAWIRO

HARGEISA(Wajaalenews);Afar wasiir oo ka mida Xukuumada Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado sharaf ka turjumaysa waajibaadkooda shaqo ee ay ku foogan yihiin wakhti kasta iyo goorkastaba.

Shahaado sharaftaasi oo ay bixisay Uk Somaliland Seafears Association, iyaga oo u soo wakiishay una soo dhiibay Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamed Haybe oo ahaa mujaahid shacbiga somaliland magac iyo taariikh ku lahaa oo dhawaan ku geeriyooday dalka, nasiibna aan u yeelan inuu gudoonsiiyo afartan wasiir shahaado sharaftaasi uu siday, balse qadarka alle uu ka soo hormaray ka dib markii uu xanuunsaday markuu dalka soo gaadhay marxuum jaamac m haybe, xanuunkaasina uu u geeriyooday.

Balse waxa masuuliyadii saarnayd marxuumka halkeedii ka sii amba qaaday oo soo gaadhsiiyey maanta wasiiradan, Wiil uu dhalay Marxuum Jaamac Haybe.

waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey wiilka, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada JSL, mudane Xirsi Cali X Xasan oo marxuumkana alle uga baryey inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, wasiirada mutaystay in lagu qiimeeyo waxay shacbiga iyo qarankaba u qabteena ku hambalyeey midmidna u xaadiriyey si uu wiilku u gudoonsiiyo shahaado sharaftaasi.

waxaana halkaasi ka hadlay wasiirada la gudoonsiiyey shahaado sharaftaasi oo kala ah:-

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade
  2. Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale
  3. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire
  4. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Exit mobile version