Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer kedis ah saaka ku tegay taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumaha uu booqday.
Madaxweynaha oo uu booqashadiisa shaqo ay ku wehelinayeen wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa goor hore oo saaka ah ka bilaabay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan, iyada oo uu madaxweynuhu u kuur-galay habsami-u-socodka hawlaha ciidamada Booliska iyo shaqooyinka ka socda xarunta guud ee ciidanka Booliska.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Cali Khaliif Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Laascaanod
Maxkamada Gobolka Sanaag Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday 13 Qof Oo Dil Ka Gaystay Magaalada Ceerigaabo