|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Xarumaha Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Taliska Guud Ee Booliska
March 1, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer kedis ah saaka ku tegay taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumaha uu booqday. Madaxweynaha oo uu booqashadiisa shaqo ay ku wehelinayeen wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa goor hore oo saaka ah ka bilaabay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan, iyada oo uu madaxweynuhu u kuur-galay habsami-u-socodka hawlaha ciidamada Booliska iyo shaqooyinka ka socda xarunta guud ee ciidanka Booliska. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Hargeisa Office Wajaalenews.net
Related posts:Hay'adda U Doodda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International Oo Dawlada Kenya Ku Ee Daysay Inay Cadw... Halkan ka Akhri; Magacyada Gudida labada Dhinac Ee Shirka Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya Uga s... Xasan Cabdi Maxamuud “Sanyare”Oo Kamid Ah Murashixiinta Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi Jeex. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|