WAJAALE NEWS

Wasiirka Wasaarada Beeraha jsl Oo Markii u Horaysay ka Hadlay Cabasho Kasoo Yeedhay Qaarkamida Shaqaalaha Wasaarada, Sheegayna In Ay Iyagu Soo Qorteen In Ay Shaqada Ka Tagayaan.

Shaqaalihii Waxbaranayay Mar kaliya ayay Albaabka fasalkii Aanu ku jirnay Boobeen oo ay ka baxeen Isla markaana si Anshax Daro ah ugu Dhufteen Miis na Horyaalay Waraaq ay Saxeexeen oo ah Inay Iskaga Tagayaan Shaqada .WASIIRKA

Waxaanay Dareen Sanayn Inay Dalka joogaan Boqolaal Dhalinyaro ah oo Jaamacadaha ka soo Baxay oo Aan Nasiib u Helin fursada kooxdani Heshay.

 

HARAGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Beeraha jamhuuriyada somaliland Dr Maxamed Aw Daahir Ayaa Markii U horaysay ka Hadlay eedaymo ay u so jeediyeen qaarkamida shaqaalaha wasaarada oo sheegaybin uu shaqadii ka joojiyay sidoo kale wasiirka  ayaa soo bandhigay ficilo sharci daro ah oo ay ku kaceen.

Wasiirka wasaarada beeraha ayaa Warsixafadeed uu arimahaasi kaga hadlayo maanta uqaybiyay warbaahinta maxaliga ah kaasi oo Nuqulkamida oo Soo Gaadhay SHABAKADA WARARKA EE WAJAALENEWS UU DHIGNA SIDAN.

WAR SAXAFADEED.

KU WARBAAHINTA SOMALILAND

Dhawaan waxaad Maqalayseen amaba ku arkayseen baraha internetka iyo tvyada qaarkood cabashooyin iyo eedaymo ay soo jeedinayeen Shaqaale ka tirsanaa wasaarada beeraha jsl

Shaqaaluhu waxay soo jeediyeen.

1; inlaga Musuq maasuqay mashaharkood shan bilood

2; in loo qoray waraaq lagu eryay oo shaqadoodii lagu joojiyay

Shaqalahani waxay kamid ahaayeen labaatan(20) qof oo loo tababarayay in ay mustaqbalka ka shaqeeyaan xarunta cilmi baadhista beeraha ee Aburiin oo Sanduuqa Horumarinta somaliland ee Loo yaqaan (SDF)  uu maalgalinayo oo uu gacanta ku hayo

Kaalinta Wasaaradu ku leedahay waa kormeer iyo dabagal ah in hawluhu sidii loo qorsheeyay usocdaan guud ahaan mashaariicda SDF wado lama soo mariyo wasaarada iyo haayadaha la shaqeeya wax lacag ah ee iyaga SDF ayaa fuliya,

 

Waxaanu raali ka nahay mashaariicda ay la wado wasaarada beeraha sida ay u socdaan,

Hadaba shaqaalahan aan ka hadlayo waxa tababar loogu bilaabay xarunta Wasaarada beeraha  ee Hargaysa  mudadii loo diyaarinayay qalabka hoyga ay galayaan iyo maacuunka lagu isticmaalayo Abuurin, Waxaa guno loo siinayay bishiiba sedex boqol oo dollar($300)  markii la dhamaystirayna waxaa loo raray xarunta cilmi baadhista ee Aburiin waxay halkaa ku qaadanayeen.

. Mushaharkii ay Wasaarada ku lahaayeen oo dhan

. cuno lamida ah ta hudheelada shanta xidigood ah(5star)  oo sdf bixiso

. laba boqol($200) oo dollar oo SDF bixiso oo guno ah

. Galabnimada Arbacada waxaa loo soo qaadi jiray reerahooda si ay ula joogaan ilaa sabtida aroorimadeeda oo dib loo celin jiray

. Daryeelkooda caafimaad oo heegan looga dhigay gadiid si hadii cidi taws U dareento dhakhtarada deg deg loogu gaadhsiiyo

. Waxa laga shaqeeyay nadaafadooda oo xataa loo geeyay sariiro goglan

. Waxbarasho ay u gudbiyaan macalimiin tartan  caalamiya shaqada u galay oo ku guulaystay.

Kormeer  caadiya oo aan bishii hore (july 2016) ku soo kormeeray abuuriin ayey shaqaalahan ku jiraan ku cawdeen in SDF ka goosatay boqol dollar($100)  oo la siiyay labada boqol ($200) halkii laga siin lahaa sedex boqol($300) oo dollar oo mushaharkooda dheeraad ka ah.

Si aan Arintaa uga jawaab celiya ayaan todobaadkii hore ku noqday Aburiin iyada oo ay ila socdaan

1, Madaxa Secretarailka (SDF)

2.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha

3, iyo koox ka tirsan Unuga Maaraynta Mashaariicda Beeraha ee SDF la shaqeeya.

Waxay jawaabtii loo celiyay noqotay in markii ay Hargaysa joogeen aan lasiin jirin cuno. Haatanse aburiin lagu siiyo cunto taasi oo boqolka ay ka hadalayaan cuntada loogu daray ismarkaana aanay ku jirin miisaaniyada SDF ee mashruuca beeraha meel lacag kale laga kordhiyaa, markii  ay intaa maqleen  ayay shaqaalihii Waxbaranayay Albaabka fasalkii aanu ku jirnay boobeen oo ay ka baxeen ismarkaana si anshaxa daro ah ugu dhufeen miis na horyaalay waraaq ay saxeexeen oo ah inay iskaga tagayaan shaqada .

Waxaana isku soo hadhay   Aniga iyo madaxdii ila socotay oo qolka lagaga dareeray iyo lix ardayda kamida oo iyagu garowsaday sidii wax loogu sharaxay.

Shaqaalihii dareeranayna waxay Istuseen in SDF ku khasban tahay inay yeesho Waxa ay doonayaan mar hadii ay tiro toban(10) gaadhay yihiin oo aan laga maarmi karaynin

Waxaanay dareen Sanayn inay dalka joogaan boqolaal dhalinyaro ah oo jaamacadaha ka soo baxay oo aan nasiib u helin fursada kooxdani heshay.

Laba maalmood kadib waxaan jaraa,idka ugudbinay xayaysiis  ay usoo tartamayaan dhalinyarada Cilmiga beeraha baratay ee somaliland tobankaa (10) jago ee banaanaaday.

Waxaana codsi soo qortay boqol iyo laba(102) dhalinyaro ah oo Cilmiga Beeraha Bartay oo Maanta Imtixaan ku galaya Haayada Shaqaalaha Qaranka waxana Tababarka  Cilmi Baadhista Beeraha ee “Aburiin” loo xuli doonaa toban(10) qof ee imtixaanka ugu sareeya.

Wa Bilaahi Towfiiq

Wasiirka Wasaarada Beeraha Jsl

DR; Maxamed Aw Daahir Warsame.

Exit mobile version