WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqbalay Mooshinkii Laga Keenaay

????????????????????????????????????

Muqdisho (W,N):- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale ku celiyey inuu oggol yahay in la dhagaysto codna loo qaado mooshinka isaga ka dhanka ah ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibananada Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in muranka siyaasadeed uu curyaamiyey hawlihii dawladda, waxaana uu Wasiirrada iyo Xildhibaannadaba ugu baaqay inay hawlahooda dib ugu laabtaan.
Maxamed Cusmana Jawaari ayaa sheegay in Dhismaha Baarlamaanka uu amnigiisu gacanta ugu jiro laanta fulinta, waxaana uu ku baaqay in ciidamadaas laga dulqaado Baarlamaanka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey uu baarlamaanku suurtogaliyey in si nabad ah ay isku beddelaan hoggaanka dalka, waxaana uu sheegay inuu doonayo in si nabad ah uu ku dhammaado mooshinka isaga laga keenay.

Dhanka kale Xildhibaannada kasoo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagu shalay ku eedeeyey inuu ku xadgudbay dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaana ay ugu baaqeen inuu iscasilo.

Exit mobile version