|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqbalay Mooshinkii Laga Keenaay
March 18, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N):- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale ku celiyey inuu oggol yahay in la dhagaysto codna loo qaado mooshinka isaga ka dhanka ah ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibananada Baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari ayaa goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in muranka siyaasadeed uu curyaamiyey hawlihii dawladda, waxaana uu Wasiirrada iyo Xildhibaannadaba ugu baaqay inay hawlahooda dib ugu laabtaan. Dhanka kale Xildhibaannada kasoo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagu shalay ku eedeeyey inuu ku xadgudbay dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaana ay ugu baaqeen inuu iscasilo. Related posts:Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Qado Sharaf Ugu Sameeyey Wefti Balaad... Xildhibaan cabdiqaadir jaamac xaamud oo ka tirsan Golaha wakiilada Jsl ayaa sikulul u canbaareeyay x... DAAWO; Fanaanada Xamda Yar Oo Soo Saartay Hees Cusub Oo Jacayl Ah Ee TELEFOON Iyo Bandhigii Ciida COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|