WAJAALE NEWS

Dhibaatooyin Aad U Ba,an Oo Laga Soo Sheegayo Soomaalida Ku Xidhan Dalka Liibiya

Triboli (W,N) – Wafadi uu hogaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka midowga Yurub ee uu fadhigiisu yahay dalka Belgium Danjire Cali Saciid Faqi islamarkaasna dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xil-saartay xalinta samata-bixinta Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiyo,  oo ay wehliso Uqaabil-sanaha Xukuumada Soomaaliya ilaalinta Xaquuqda Tahriibayaasha Maryan Yaasiin ayaa  muddo laba maalmood ah ku sugan dalka Liibiya si ay xal  ugu helaan loona soo daad-gureeyo Soomaalida ku xidhan dalkaas.

“Soomaalida u soo tahriibtay dalka Liibiya badankooda waxay ku xidhanyihiin magaalooyin yarar oo ku baahsan dalka oo dhan. Waan adagtahay in loogu tago meelahaas maadaam aysan dawolad adag ka dhisneyn dalkan. Waana adagtahay in la ogaado tira guud ee halkaan ku dhibaateysan” ayuu yidhi Danjire Cali Saciid

Danjire Cali iyo Maryan ayaa ku tilmaamay wax aan laga sheekeyn karin dhibaatada haysata Soomaalida, waxaa lagu lagu tilmaami karaa goob dagaal,

”Dadka goobtaas ku sugan maalintii oo dhan waa la garacayaa, qaar ka mid ah garaacida ayeey u dhinteen”

Sidoo kale waxaa jira in  qofkiiba dhowr Jeer la iibsanayaa waan adag tahay si ay dadkaas ku soo gaadhaan magaaladan Tripoli.

Danjire Fiqi ayaa sheegay in arrimaha cajiibka ah ay ka mid ahaayeen in dadka aan soo samata bixino qaarkood in ay wali rajo ka qabaan in dalkan sii joogaan oo sii tahriibaan, ayaga oo indhahooda ku soo arkay dhibaatada meesha ka jirta.

Labaatan qof oo xabsiyada laga soo saaray ayaa loo soo qaadi-doona magaalada Moqdisho, maalinta Jimcaha ee bishan Feberaayo 16keeda.

Gabdho badan oo halkaas ku xidhan ayaa la sheegayaa in ay uur qaadeen, kana xishoonaya in ay ehelkoodii ku soo laabtaan ayaga oo uur leh.

Wafdigaan ku sugan dalka Liibiya ayaa ugu baaqayo dhammaan ummadda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan in ay gacan hiil iyo hooba ka geystaan sidii loo soo samata-bixin lahaa dhallinyada mustaqbalkoodii iyo noloshoodii ay sii baaba’ayso dalka Liibiya.

Exit mobile version