WAJAALE NEWS

Weerar Lagu Qaaday Xero Lagu Tababaro Ciidamada Milateriga Ee Kabul

Kabul (W,N)-Afhayeen u hadlay ciidammada dalka Afghanistan ayaa sheegay in niman ka tirsan kooxaha xagjirka ah ay weerareen xarun lagu tabobaro ciidamadda, halkaasna waxaa ku dhintay illaa 5 askari, 10 kalane waa ay ku dhaawacmeen.


Waxa uu intaas ku daray in ragga weerarka geystay ay ahaayeen 5 qof, 4 ka mid ah la dilay, halka gacanta lagu dhigay isaga oo nool.
Weerarka lagu qaaday kulyadda ciidammada ee Fahiim ayaa waxaa sheegtay ururka Daacish, sida ay ku faafiyeen warbaahin ay iyaga leeyihiin.
Weerrarkan ayaa imanaya maalma un kaddib markii magaaladaasi uu ka dhacay ismiidaamintii ugu dhimashada badneyd ee muddo bilo ah ka dhacda magaalada Kabul markaas oo gaadhi nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 100 qof.
Ururka la baxay dowladda Islaamiga ah iyo Taalibaan ayaa dhawaantan waxa ay weerraro ka gaysteen dalkaasi.
Weerrarka Sabtidii loo adeegsaday gaadhiga nooca lagu fidiyo gurmadka degdega ah ayaa dhacay todobaad ka hor kaddib markii weerrar kale oo lagu qaaday hoteel ku yaal magaalada lagu dilay 22 qof oo u badan ajaanib.

Taalibaan ayaa sheegatay inay ka dambaysay labada weerrarba.

Exit mobile version