WAJAALE NEWS

WAR DEG DEGA Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Siilaanyo Ayaa Magacaabis iyo Xilqaadis ku Sameeyay Xubno katirsan Xukuumadiisa

HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxwayanaha jamhuuriyada somaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo ayaa caawa isku shaandhayn ku sameeyay qaybo kamida xukuumadiisa  oo ay kamid yihiin agaasimayaal guud badhasaabyo iyo taliyaha ciidan ilaalada madaxtooyada wasiir kuxigeeno iyo qaybo kaleba

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 ku magacaabay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku bedel ku sameeyey agaasimeyaasha guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

 In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley

Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;

 Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;

 Markuu Arkay:                     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

 In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                       In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

 

Markuu La Tashaday:           Madaxda ay khusayso;

 

Markuu Ku Qancay:              In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. 1.      In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
  2. 2.      In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

 

  1. 3.      In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

 

  1. 4.      In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014

Ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magacabay Gudoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:           In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;

Wuxuu go’aansaday

 

  1. 1.      In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

MASUULIYIINTA XILKA LAGA QAADAY;;;;;;;;;;;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha   Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,

 

Xilka Qaadista

 

  1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
  3. Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
  4. Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  5. Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta,  Wacyigelinta iyo Dhaqanka

 

Mudanayaal,

 

Waxa aan aad idinku  mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

 

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan  xilalkaasi  cidaan u soo igmaday.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Exit mobile version