HARGAYSA (W,N) Bulshada Somaliland ayaa gudo iyo dibadba aad u dhibsaday hadalada xanafta leh ee ay warbaahinta isku dhaafsanayeen mudooyinkan danbe qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland taas oo dhagaha dadka somailand ku noqotay mid ku abuurtay cabsi iyo war war kala soo daristay dhaqan burburka ku yimid madaxdhaqameedka reer somliland oo iyagu mudooyinkii hore ahaa kuwii dhidibada u taagay qaranimada Somaliland iyagoo, qayb laxaad leh ka soo qaatay hub ka dhisgistii iyo dib u dhiskii dalkaba.
Isbadalka iyo burburka ku yimid madaxda dhaqanka Somaliland ayaa noqtay mid xiligan shacabku ka rajo dhigeen madaxdhaqameedka taasi badalkeediina xiligan dalbanayaan sidii ay xukuumadu talaabo adag uga qaadi lahayd cidkasta oo afka dhaqanka ku hadasha kuna dhawaaqda wax bulshada kala fogaynaya.
Oday Cismaan Xuseen wuxuu ka mid yahay odayaasha samo taliska ah ee Somaliland isla markaana wuxuu hurmuud ka yahay shakhsiyaadka sida adag uga soo horjeeda hadalada dhiifta leh ee ay warbaahinta isku marinayaan xubnaha cumamadaha dhaqanka sida.
Hadaba oday Cismaan Xueen ayaa fariin muhiima u diraya madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi taasi oo uu ka codsanayo in uu sameeyo jeel sigaara loogu xakameeyo madaxdahqameedka iyo salaadiyiinta ku kaca wax bulshada kala kaxaynaya .
Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “yidhi Mudane Madaxwayne anigoo ka mida odayaasha reer somaliland isla markaana jecel horumarka dalkan iyo sidii looga bixi lahaa Aafada Qabyaalada ee xiligana aynu arkayno carooga qabyaaladeed ee ay afuufayaan madaxdii dhaqanka ee lagu yiqiinay ka talinta samaha in ay caadaysteen inay ku baaqaan wax shacabka kala kaxaynaya.
Waxaan kaa codsanayaa anigoo warbaahinta kuusoo marinaya Taladaydan in aad dhisto Jeel gaar loogu xakamaynayo madax dhamqameedka somalliland kuwooga dabi qaran gala kaasi oo lagu hayn doono cidii ku kacda wax bulshada kala fogaynaya iyo sidoo kale kuwa isku cumaamada shaqo aan loo dooran.
Mudane madaxwayne dhismaha jeelkan waxaan u arkaa in uu yahay xalka kaliya ee lagu xakmayn karo Aafada salaadiinta xiligan Ay Somaliland ku Hayaan.
ILAAHAY TALADA SAN HAYNA WAAFAJIYO AAMIN AAMIN
ODAY CISMAAN XUSEEN JIBRIIL
HARGAYSA SOMALILAND