WAJAALE NEWS

ONLF oo dhaliishay go’aanka ay dawlada Itoobiya Shidaalka uga Soo Saartay deegaanka Soomaalida

Hargaysa (WJN)- Jabhadda ONLF ayaa waxa ay dhaliishay go’aanka ay dawladda Itoobiya shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge oo u waramay Idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhexyaalay Soomaalida Ogaadeeniya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafay oo lagu quudiyay dad kale oo Itoobiyaan ah waxaana uu sheegay in ay  diidanyihiin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/d5F-A421x-4

Exit mobile version