Shir Xasaasiya Oo Magaalada Hargaysa Ku Dhexmaray Siyaasiyiinta Iyo Madaxdhaqmeedka Beelaha Habar Awal Iyo Samaroon+Cida Ka Danbaysay Iyo Arimaha Lagaga Wada Hadlay!
HARGAYSA(W,N) Shir Ayaa Maanta Magaalada Hargaysa uga furmay siyaasiyiin, xildhibaanada labada gole iyo madaxdhaqameedka Ka kala socday beelaha Habar awal iyo samaroon kaasi oo ka qabsoomay huteela Gran Hadi ee galbeedka magaalada Hargaysa.
Shirkan ay labada beeleed ku yeesheen magaalada Hargaysa ayaa ahaa mid aan warbaahinta loo ogolayn islamarkanaa aan la shaacin ujeedada uudaarnaa shirkani iyo duruufaha xiligan keenay,
Kulankan oo ahaa qado Ah kadibna ay yeesheen kulan fadhiya madaxda kala matalaysay labadan beeleed.
Kulankan oo ahaa mid abuuray dareeno kala duwan ayaa wararka hoose ee ay shabakada wararka ee wajaalenews,net ka helayso waxa ay tibaaxeen in dalabka shirkan ay lahaayeen xildhibaanada labada gole ugu jira beesha habar awal iyo madaxdhaqameedka beesha qaarkood kaasi oo hindisihiisuna uu ka yimid dhinaca madaxwynaha halka dhinaca beesha samaroona In shirka ay kasoo qaybgalaan uu door wayn ku lahaa madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo sida la sheegay goobta u sugnaa intii aanu shirku furmin kana kasoo jeeda isla Gobolka awdal.
Xogaha aynu ka helayno shirkan ayaa intaa ku daray in kulankan lagaga wada hadlay qodobo door ah kuwaasi oo la xidhiidhka dhinaca siyaasada deegaanka iyo sidii beelaha habar awal iyo samaroon usamaysan lahaayeen isbahaysi siyaasadeed oo ka xoogan ka wakhtigan ka dhexeeya,
Sidoo kale wararka ay ka helayso kulankan ayaa sheegayan in ay xildhibaanada iyo madaxdhaqanka habar awal beesha samaroon ka dalbadeen sidii xukuumada madaxwayne biixi ay ugala shaqayn lahaayeen qabsoomida doorashada iyo in ay ka doorkan ka tanaasulaan saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka islamarkaana sidii hore lagu galo doorashada doorkan qodobkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa arimaha xasaasiga ay ee ay ka doodeen xubnahan kala matalayay beesha madawxaynaha iyo dhigooda gobolka awdal,
Dhanka kale kulan ayaa la sheegay in uu bar bilow uyahay qorshe xukuumada madaxwayne biixi dabada ka wado oo lagu doonayo in siyaasiyiinta, xildhibaanada habar awal matalayaa ay shirar noocan oo kale la yeelananayaa qaarkamida beelaha kale ee Somaliland dega ,
Sicad looma oga ujeedada rasmiga ah ee shirkan kentay xiligan iyo qodobada laysla qaatay balse waxaa laga war sugidoonaa wakhtiyada soo socda iyo warka ay xubnaha beesha samaroon matalayay ay kula noqdaan bulshada ay matalaan ee gobolka awdal oo iyadu xiligan ku dhegtaagaysa dhaq dhaqaaqyada xukuumada iyo talada laga yeesho arinta saami qaybsiga ,
Abaabulka kulan ayaa la sheegay in ay keentay kadib markii madax dhaqameedka beesha habar jeclo ay ku dhawaaqeen shir ay wada yeelanayaa beesha garxajis oo xurguf siyaasadeed ka dhaxaysa halka horena ay taxaaluf siyaasadeed ula lahaayeen beesha habar awal oo ay isbahaysi ku ahaayeen xisbiga kulmiye oo hogaankiisa hadba beeli hayso,
Qorshaha beesha bariga burco ayaa noqday mid meesha ka saaraya kucladii kulmiye shuraakada ku ahayd, halka taasi badalkeeda dadka siyaasada falanqeeyaa ay ku sheegeen in madaxwayne biixina xiligan damacsan yahay sidii uu usamaysan lahaa taxaaluf cusub oo siyaasadeed islamarkaana uu ku hawlan yahay sidii kursiga ku sidii haysan lahaa kuna heli lahaa cudud badasha beesha habar jeclo,
Sikastaba ha ahaatee hirdanka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye ayaa xiligan umuuqda mid galay waji ka duwan kii hore loogu bartay islamarkaana ay ku sii kala socdaan beelihii isbahaysiga siyaasadeed ka dhexeeyay iyadoo ay bar bilow yihiin kala xamaan urursiga siyaasadeed ee ka dhexeeya halka madaxwayne biixi iyo xubno uu ucugtay in ay isbahaysi cusub unkaan ay dhinacooda hargaysa ka bilaabeen kulamada beelaha qaar iyadoo dhawaana lafilayo in ay kulan layeesheen hogaanka dhaqanka beelaha galbeedka burco lana galaan heshiisyo siyaasadeed iyo iswaydaarsi xurmo iyo xilalba wata,
LASOCO WIXII KASOO KORDHA KULANKA LABADA BEELEED IYO DOORKA MUUQDA EE AY KU LEEDAHAY XUKUUMADU!
WAJAALENEWS DESK
HARGEYSA OFFICE