WAJAALE NEWS

War Deg-deg ah: Mayorkii Magaaladda Laascnood iyo Taliyihii Ciidamadda Booliska Ee Degmadda Yagoori Uu Khasaare Ka Soo Gaadhay Shil Baabuur

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in labaddan masuul ay soo gaadheen dhaawacyo fudud, isla markaana lagu daweynayo cusbitaal Ku yaala Magaaladda Laascaanood.

Laascaanood (WJN) – Wararka  Ka Imanaya Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Mayorka Magaaladaasi Iidle Xuseen Maxamed iyo Taliyihii Saldhiga Yagoori Cali Xirsi Jiir ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhaxaysa Yagoori iyo tuuladda Sululux.

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in labaddan masuul ay soo gaadheen dhaawacyo fudud, isla markaana lagu daweynayo cusbitaal Ku yaala Magaaladda Laascaanood.

Labaddan masuul ayaa la sheegayaa in dhaawaca ka soo gaadhay shilkaasi baabuur uu yahay mid gacanta ka jabay, halka uu ka kalena kalxad wax ka noqday.

Ma jiro war intaasi dhaafsiisan oo ka soo baxay shilkaasi baabuur ee ay galeen labadda masuul.

WAJAALE NEWS DESK

LASCANOD OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version