WAJAALE NEWS

Madaxdhaqameedka Somaliland Oo Shir Uga Furmay Magaalada Hargaysa Iyo Arimaha Lagaga Wada Hadlay!

Ujeedada Shirwaynaha Guud Ee Saldanada Somaliland Oo Magaalada Hargaysa Ka Furmay!

HARGAYSA(W,N)-Qaarkamid ah salaadiyiinta Somaliland oo iskaga kala yimid gobolada dalka ayaa maanta shir uga furmay magaalada hargaysa gaar ahaan huteelka baraar, kaasi oo aay dibad joog ka ahayd warbaahintu.

Shirkan ay iskugu yimaadeen qaarkamid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo ay ubixiyeen shirwaynaha Golaha guud ee saldanada Somaliland.

Shirwaynaha golaha salaadiyiinta Somaliland ee hargaysa ka furmay ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayaa waxaa laga wada hadlay sidii madaxdhaqameedku uqiimayn lahaayeen doorka ay ku leeyihiin dalka , xakamaynta madaxdhaqameedka ku kala milmay siyaasada dalka ee mucaaridka iyo muxaafidka iyo sidii ay uyeelan lahaayeen gole guud oo lagaga hadlo arimaha dhaqanka.

Sidoo kale salaadiyiinta iskugu shirkan ayaa ubalamay in ay iskugu soo noqdaan shirarka si loo dhamaystiro ujeedooyinka uudaaran yahay kulankoodu.

Dhanka kale xogaha laga helayo shirwaynaha guud ee madaxdhaqameedka Somaliland ayaa sheegaya in qodobada lagaga wada hadlay ay kamid ah ahayd sidii bahda dhaqanku doorkoodii uga qaadan lahaayeen xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka oo xiligan maraya meel xasaasiya.

Majirto war rasmi ah oo ay madax-dhaqameedku kazoo saareen shirwaynahoogan.

 

Exit mobile version