WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabtay Nin Si Sharci Daro ah Loogu Cumaamaday Suldaan.

HARAGSYA (W.N) Ciidamaa booliska Somaliland ayaa sida warar aanu helay tibaaxeen waxay xalay niskii dhexe xabsi u taxaabeen nin suldaan sheegtay oo shalay sifo sharci daro loogu caleemo saaray guri ku yaala magaalada hargaysa .

Ninka oo lagu magacaabo  CUMAR IBRAAHIM MUXUMED  Ayna wateen koox ganacsato ahi ayaa xiligan ku xidhan saldhiga kaasi oo la filayo in  maalmahana soo socda la horkeenidoono sharciga.

Dhanka  xukuumada ayaa lasheegay I iyagana baadi goobayso qaarkamida ganacsatadii caleemo saarka ninkan debada ka waday, oo sida la sheegay qaarkood magaalada hargaysa si hoose uga baxeen.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version