WAJAALE NEWS

174-Qof Oo Qaxooti Somali iyo Yemeniyiin Iskugu Jira Oo Xalay Kasoo Degey Dekedda Berbera

Berbera:(Wajaalenews)-Markab sida dad qaxooti ah oo kasoo cararay Dagaallada ka socda Waddanka Yemen, ayaa xalay saqdii dhexe kusoo xidhay Dekedda Berbera, waxana qaabilay Hay’adaha qaramada midoobay ee arrimahooda ku shaqada leh.

Qaar kamid ah Masuuliyiinta Somaliland oo warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in dadkaas tiradoodu gaadhayso 174-ruux, waxana ay iskugu jiraa Dad soomaali ah iyo kuwo u dhashay dalka yemen.

Muddo labo habeen ah ayuu markabkan badda ku soo jiray, ugu dambeyna xalay waqtiga dambe ayuu soo gaadhay Dekada Magaalada Berbera.

Waxaa la dejiyay Qaxootigaan goob ku meel gaadh ah oo Soomaaliland ay ugu talo gashay inay ku qaabisho Qaxootiga kasoo cararaya dalka Yemen.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland iyo sidoo kale Hay’ada UNHCR ayaa gurmad caafimaad u fidiyay qaar ka mid ah dadka oo xanuunsanaayay.

Yemen waxaa ka socda dagaalo culus oo u dhaxeeya Dowladda dalkaasi iyo Xoogaga Xuutiyiinta oo doonaya in gabi ahaanba ay ka taqalusaan Dowladda uu hogaamiyo Mr Haadi.

 

Exit mobile version