Aqoonayanku waa qofku inuuyaqaano xidhiidhka ka isaga iyo ilahay marka hore waa inuu lahaado dareen garasho eebewayne
Waa maxay aqoontu waase kuma aqoonyan ka aan doonaynaa marka hore aqoontu waa cilmiga ay dadku bartaan kuu doono ha ahaado sida ka maadiga ah iyo kan diiniga ah waxaana usababa ah ilbaxnimada dadku is dheer yihiin waana ta manta ay bulshadu ku kala horayso manta
Aqoonayanku waa qofku inuuyaqaano xidhiidhka ka isaga iyo ilahay marka hore waa inuu lahaado dareen garasho eebewayne. Inuu garto xidhidhika S isaga iyo bulshooyinka kale si ay isufahmaan
Waxaa aad isu soo taraya waayahaan danbe dareen iyo walaac wayn oo ah in aan
Farqi ama kala duwanaasho wayn u dhexeen Aqoonyahanka Somaliyed iyo kuwa aan waxba baran sida dadku aaminsanyahey. Dadku waxey ku taami jireen muddo dheer in haddii umadda ay hogaanka iyo talada
u qabtaan heer qaran iyo heer Qoysba kuwa sheegta Aqoonyahanka xal loo heli karo dhibaatooyinka diloodey Bulshada somaliyed kuwaas oo ay ugu horeeyaan maamul xumada, musuq maasuqa, qabyaaladda, eexda, caddaaladda darada, han-yarida, aragti gaabnida iyo fahan yirida sida siyaasadda Dunidu shaqeyso..
Maanta markaad fiirisho Bulshada Soomalida gobolka kasta oo ay dagantahey dadka hor-boodaya ama haya meelaha bulshada hal-bowlaha u ah heer kasta iyo gole kasta waxey u badanyihiin dad lagu magacaabo aqoonyahano, balse walaaci iyo dhibaatooyinkii Bulshadu waa sii kordhayaan, wax sii xumaada mooyee wax ka soraayana waa yaryihiin. Hab-dhaqanka Aqoonyahankuna kama duwana haddii uusan ka sii liidan kuwii hore ee Somalidu u taqaaney Aqoon laa-wayaal.
Haddaba soo ma mudna in aan is waydiino xagge wax ka khaldanyihiin?
Markaad baandho macnaha Aqoonyahan iyo Aqoon la iskuma waafaqsana, waxaana jira aragtiyo iyo macnayaal badan oo kala duwan. Laakiin haddaan tusaale u soo qaadano 2 macne ee ugu dhow marka Falsafad ahaan laga hadlayo aqoon, waxaan oran karnaa waa sidaan:
Aragtida Islaamiga ah
Aragtida Islaamiga ah, AQOON waa in qofku yaqaan xiriirka ka dhexeeya Eebe wayne iyo asaga, inuu yaqaan siduu ula dhaqmi lahaa Bulshoyinka kala duwan, inuu yaqaan siduu nolashiisa u maareyn lahaa, isla markaasna uu yaqaan siduu ula fal-gali lahaa deegaanka iyo cimilida ku xeyn-daaban si uu uga faaiideysto kheyraadka isla markaasnba isaga ilaalsho khataraha u wareegsan.
B) Aragtida ay Aaminsanyihiin Bulshoyinka kalana waa intaas hore oo laga reebay xiriirka u dhexeeya Eebe iyo Addoomadiisa. wixii intaas ka soo hara waa la isku waafaqsanyahey, sidii la doono ha loo kala hormariyo erayada ama ha loo qurxiyee.
Aqoonta baa si khaldan loo fahmey
Khaladka ugu wayn wuxuu ka jira Aqoonyahan iyo Aqoonta baa si khaldan loo fahmey, Odeyga ama Hooyada Somaliyed ee dhulka miyiga ah xoolaha ku raacata ee taqaan kuna xisaabtanta xilliyada, roobabka, dabeylaha, dhulka deegaanka san, dhirta u roon xoolaha, kuwa wax lagu daweeyo, cudurada ku dhaca xoolaha, oo xatta taqaan NEEFKA xoolaha goorta uu taaho xanuunka haya iyo dawadiisa waa AQOON yahan. Sida oo kale kan BEERTA Fasha iyo kan KALLUNKA dabta oo asaga oo maraya Bad-wayn oo aan haysan GPS ama jiheeya garan kara biyaha uu dul marayo meeysha ay yihiin iyo sidu uga faaiideysan karo iyo dhammaan waxa la xiriira shaqadooda iyo noloshooda waa dad aqoon yahan ah.
Odayaashii hore ee Somaliyed ee ku xeel dheeraa xallinta khilaafka, wadaaga khayraadka sida Biyaha iyo Daaqsinta dadkana xukumi jirey ayaga oo aan ciidan Boolis ah iyo Xabsi midna haysan miyaysan aheyn aqoonyhan. Hooyooyinkii sameyn jirey weelasha kala duwan, sameyn jirey qaababka kala duwan ee lagu Keediyo Cuntooyinka ee ka ilaalinaya in cuntada qurunto isla markaasna u sahalaya Cuntada bisil in ay ooli karto in ka badan bilo oo aysan is badalin miyeyan aqoonyahan iyo SAYNIS yahan.
Aqooni shahaado la qaato oo kaliya mahan
Haddaba Aqoontu xad ma leh, in lagu cabiro Shaahadana ma ahan wax sax ah, waana qayb ka mid ah firkirka reer Galbeedku ku curyaamiyaan bulshooyinka Addunka, waase muhiim in shaahaadoyin la qaato. waxa ugu wayn oo wax loo barto waa in Hab-dhaqanka qofku badalmo ( Behavioral change) waana in qofku fikirkiisu ka koraa xaafadu ku dhashay, waa in qofku Bulshada wax ku soo kordhiyaa, waa in qofku noqdaa qof hab-dhaqan wanaagsan leh, waana in qofku xurmeeyaa wada hadalka iyo rabitaanka bulshada, waana in qofku karti u yeesho inu la dhaqmo dad kala duwan, kala dhaqan ah, kala diin ah, isla markaasna tixgaliyaa qof kasta aragtidiisa iyo waxa uu aaminsanyahey, waana in qofku tix-galiya sharciga iyo wixii lagu heshiiyay.
Ugu dambayntiina
Waa muhiim in aan ogaano dadka Dunidaan ku soo kordhiya hormarka iyo cilmiga qaybihiisa kala duwan, sida Sayniska, Falsafada, dhul iyo Bad mareenada, Cilmi fansiga, farsamada gacanta,maamulka, siyaasadda, dhaqaalaha, barashada Diinta qaybaheeda kala duwan, dhammaantood kuma jirin hal qof oo shahaado Degree ah haystey,MASTERS ama PHD haystey, balse dhamman waxey ahaayeen aqoonyahano run ah addunkana raad muuqda kaga tagey maantana Jaamcadaha lagu dhigo waxey ka tageen.
Qofku haddii usan aqoon hab-dhaqanka deegaankiisa, sidii uu ula jaan-qaadi lahaa bulshadiisa, sidu ku maareyn lahaa nolashiisa iyo tan bulshadiisa, sidu uga faaiideysan laha khayraadkiisa, iyo sidu xal ugu heli lahaa khataraha soo food saaraha nolashiisa iyo dan bulshadiisaba AQOON YAHAN MA AHAN SHAHAADADA UU DOONO HA WATEE, WUXUU DOONO HA BARTEE.
Waxa qoraay garyaqan cabdiraxman dhego