|
|||||
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Aqoonyahan?
September 4, 2016 - Written by Wariye:Aqoonayanku waa qofku inuuyaqaano xidhiidhka ka isaga iyo ilahay marka hore waa inuu lahaado dareen garasho eebewayne Waa maxay aqoontu waase kuma aqoonyan ka aan doonaynaa marka hore aqoontu waa cilmiga ay dadku bartaan kuu doono ha ahaado sida ka maadiga ah iyo kan diiniga ah waxaana usababa ah ilbaxnimada dadku is dheer yihiin waana ta manta ay bulshadu ku kala horayso manta Aqoonayanku waa qofku inuuyaqaano xidhiidhka ka isaga iyo ilahay marka hore waa inuu lahaado dareen garasho eebewayne. Inuu garto xidhidhika S isaga iyo bulshooyinka kale si ay isufahmaan Waxaa aad isu soo taraya waayahaan danbe dareen iyo walaac wayn oo ah in aan Farqi ama kala duwanaasho wayn u dhexeen Aqoonyahanka Somaliyed iyo kuwa aan waxba baran sida dadku aaminsanyahey. Dadku waxey ku taami jireen muddo dheer in haddii umadda ay hogaanka iyo talada u qabtaan heer qaran iyo heer Qoysba kuwa sheegta Aqoonyahanka xal loo heli karo dhibaatooyinka diloodey Bulshada somaliyed kuwaas oo ay ugu horeeyaan maamul xumada, musuq maasuqa, qabyaaladda, eexda, caddaaladda darada, han-yarida, aragti gaabnida iyo fahan yirida sida siyaasadda Dunidu shaqeyso.. Maanta markaad fiirisho Bulshada Soomalida gobolka kasta oo ay dagantahey dadka hor-boodaya ama haya meelaha bulshada hal-bowlaha u ah heer kasta iyo gole kasta waxey u badanyihiin dad lagu magacaabo aqoonyahano, balse walaaci iyo dhibaatooyinkii Bulshadu waa sii kordhayaan, wax sii xumaada mooyee wax ka soraayana waa yaryihiin. Hab-dhaqanka Aqoonyahankuna kama duwana haddii uusan ka sii liidan kuwii hore ee Somalidu u taqaaney Aqoon laa-wayaal. Haddaba soo ma mudna in aan is waydiino xagge wax ka khaldanyihiin? Aragtida Islaamiga ah B) Aragtida ay Aaminsanyihiin Bulshoyinka kalana waa intaas hore oo laga reebay xiriirka u dhexeeya Eebe iyo Addoomadiisa. wixii intaas ka soo hara waa la isku waafaqsanyahey, sidii la doono ha loo kala hormariyo erayada ama ha loo qurxiyee. Aqoonta baa si khaldan loo fahmey Odayaashii hore ee Somaliyed ee ku xeel dheeraa xallinta khilaafka, wadaaga khayraadka sida Biyaha iyo Daaqsinta dadkana xukumi jirey ayaga oo aan ciidan Boolis ah iyo Xabsi midna haysan miyaysan aheyn aqoonyhan. Hooyooyinkii sameyn jirey weelasha kala duwan, sameyn jirey qaababka kala duwan ee lagu Keediyo Cuntooyinka ee ka ilaalinaya in cuntada qurunto isla markaasna u sahalaya Cuntada bisil in ay ooli karto in ka badan bilo oo aysan is badalin miyeyan aqoonyahan iyo SAYNIS yahan. Aqooni shahaado la qaato oo kaliya mahan Ugu dambayntiina Qofku haddii usan aqoon hab-dhaqanka deegaankiisa, sidii uu ula jaan-qaadi lahaa bulshadiisa, sidu ku maareyn lahaa nolashiisa iyo tan bulshadiisa, sidu uga faaiideysan laha khayraadkiisa, iyo sidu xal ugu heli lahaa khataraha soo food saaraha nolashiisa iyo dan bulshadiisaba AQOON YAHAN MA AHAN SHAHAADADA UU DOONO HA WATEE, WUXUU DOONO HA BARTEE. Waxa qoraay garyaqan cabdiraxman dhego COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|