WAJAALE NEWS

Yahoo Oo 2013ka Laga Jabsaday Dhamaan Sadexdeeda Bilyan Ee Ciwaan

Shirkadda Yahoo ayaa sheegtay in dhammaan saddexdeeda bilyan ee ciwaan ay saameeyeen jabsashadii loo gaystay 2013kii.

 

 

Shirkadda Yahoo oo ay horraantii sannadkan la wareegtay shirkadda Verizon ayaa sheegtay in baadhitaanno la sameeyay ay muujinayaan in jabsashada loo gaystay ay ka baaxad wayntahay sidii markii hore loo malaynayay.

Laakiin macluumaadka la xaday kuma jiraan fureyaasha sirta ah ee lagu galo ciwaannada oo xuruuf muuqata ah, macluumaadka kaadhadhka wax lagu iibsado iyo macluumaadka xisaabaadka bangiyada, ayay shirkaddu intaas ku sii dartay.

Shirkadan wayn ayaa markii hore sheegtay “in hal bilyan oo ciwaan loo dhacay”.

Yahoo ayaa sheegtay in ku dhawaaqitaankan cusub uusan la xidhiidhin “xaalad ammaan” oo hor leh, balse ay emailo u dirtay ciwaannada cusub ee la ogaaday in la jabsaday.

Shirkaddu waxay sheegtay “in ay sii wadayso si dhaw ula shaqaynta laamaha sharci fulinta dalka.

Hay’adda wayn ee isgaadhsiinta ee Verizon ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa la wareegitaanka shirkadda Yahoo dhamaystirtay 13 June.

Heshiiskan markii la shaaciyay sannadkii hore iyadoo shirkaddu ay liicliicaysay waxaa lagu sheegay in Verizon ay bixinayso 4.8 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Laakiin markii dambe tiradaas waxay hoos ugu soo dhacday 4.5 bilyan ka dib markii shirkadda Yahoo ay shaacisay in ay waxyeelo ka soo gaadhay jabsasho loo gaystay 2013 iyo 2014kii.

Verizon ayaa isku dartay AOL iyo Yahoo waxayna u bixisay Oath.

Exit mobile version